Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jsl Ayaa Go’aamo Kasoo Saarey Nooca Ay Noqonayso Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Iyo Xiliga La Bilaabayo Hawsha

0
225

Hargeysa(Geeska) Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa go’aamo kasoo saarey nooca ay noqonayso diiwaangalinta codbixiyayaasha ee muddooyinkii u danbeeyey xisbiyada qaranku isku maandhaafsanaayeen.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in diiwaangalintu noqonayso mid la isticmaalayo xogtii hore oo sixitaan lagu sameeyey, sidoo kale ay ka bilaabmayso 500 oo goobood oo cusub oo dalka oodhan ah, islamarkaana ay is diiwaangalinayaan dadka qaangaadhay, kuwa aan fursad u helin inay isdiiwaangaliyaan iyo sidoo kale dadka doonaya inay goob badel ku samaystaan kaadhadhkooda codeynta.

Komishanku waxay sheegeen in bisha January ee sanadka 2026 ay sameyn doonaan qiimeyn ayna soo saari doonaan jadwalka shaqo ee diiwaangalinta.

Xisbiyada Qaranka ee Waddani iyo Kulmiye ayaa ka ka mideysnaa nooca diiwaangalinta halka xisbiga Kaah isagu kasoo horjeeday.