Maamulka Iyo Ardayda Dugsiga Sare Ee Dayib Guray Oo U Mahadnaqay Maayarka Hargeysa

0
559

ggggggggggggggg (1)Hargeysa(Geeska)-Maamulaha Dugsiga sare ee Mujaahid Dayib Guray, ee ku yaalla caasimada Somaliland, ee Hargeysa, Guuleed Goohe Iidaan, ayaa si mug leh uga xog-waramay dadaaladda horumarka dhinaca waxbarshada ee uu ku talaabsaday Dugsiga sare ee Dayib Guray, iyo waxqabadyada u gaarka ah ee aanay cidi la wadaagin ee hano qaaday muddadii gaabnayd ee dugsogan maamulaha ka ahaa, isaga oo si gaar ah ugu mahad-naqay, macalimiinta iyo ardayda Dugsiga, Wasiirada Waxbarashada iyo Duqa caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Maamulaha oo u waramayay Hadhwanaagnews, waxa uu hadalkiisii ku bilaabay ''Dugsiga sare ee Mujaahid Dayib Guray, ee ku yaalla caasimada Somaliland, ee Hargeysa, waxa markii u horaysay la aasaasaay Laba iyo Toban sanno ka hor, oo ku beegnayd sannadkii 2002-dii, waxaana lagu bilaabay Afar Fasal, maantana waxa dhismayaasha dugsigu ay marayaan Lix iyo Toban Fasal, laabkii, Laybareerigii, qol gaar ah oo loogu tallo-galay in ay hablaha ardayda ahi ku nastaan, waxaana jira dhismayaal cusub oo aanu hada bilaabayno, Muddadii la ii soo magacaabau maamulaha Dugsigan, waxa maanta laga joogaa Afar bilood oo kaliya, waxaanan xilligaa ugu imi baahiyo aad u badan oo dugsiga yaalay o u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, waxaan markii u horaysayba aan waxqabadkayga ka bilaabay wacyi-gelin xoog leh oo waxtar leh oo ku wajahan Waxbarashada, akhlaaqda, bilicda iyo iskaashiga ardayda ee dhinaca horumarka dugsiga, taas oo sababtay in ardayda dugsigu ay ku guulaystaan in ay Fasalada dhigtaan marmar, isla markaana ay iska badaan samuuradaha, oo ay samaystaan samuuraddo casri ah oo White Board-ah, iyo kor u qaadista bilicda nadaafadeed ee dugsiga iyada oo lagu beeray dhir, Waana Illaahay mahadii, waxaanu horumarkani ku yimi dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen maamulka, macalimiinta iyo ardayda Dugsiga sare ee Dayib Guray, oo ah kuwo si qeyral caadi ah u dadaalaya oo si wadjir ah mar walaba isugu duuban oo isku xidhan.''

''Afar bilood ka hor markii Dugsiga la ii soo magacaabay Tirada guud ee ardayda dhigata Dugsigu waxa ay ahayd 273 arday (Laba Boqol Iyo Saddex Iyo Todobaatan). maantana waxa Illaahay mahadii ah oo waxqabad muuqda oo lagu faano ah in tirada guud ee ardayda maanta dhigata Dugsiga sare ee Dayib Guray, ay dhan tahay 879 arday, (Siddeed Boqol Iyo Sagaal Iyo Todobaatan), waxaanu rajaynaynaa in in korodhka ardaydu uu intaa ka sii badan doono Isha Allah, waayo tirada ardayda dugsiga dhigata ee ku jira fasalka Afraad,oo ah 170, arday, waxa aanu waxbarashooda gelinay dadaal iyo wakhti badan oo dheeraad ah aad u badan, maalmaha todobaadka oo dhan oo jimcuhu ku jiro si joogto ah oo xidhiidh ah ayay waxbarashadooda u qaataan subax walbana waxay qaataan xiisad kalahaad ah, iyaga oo marka danbana qaata lixdooda xiisadood ee kale, waxa jira macalimiin si tabaruc ah gelinka danbe u soo noqota oo ardayda siisa xiisado maalmaha khamiisaha iyo Jimcayaasha, waxa aanu rajaynaynaa in ay noqon doonaan adyadya kaalamaha ugu horeeya ka geli doona imtaxaanaadka fasalada afraad ee dugsiyada dalka oo dhan, waxa wax lagu faano ah oo aanay cidi la wadaagin in dugsigu uu noqday dugsiga kaliya ee ay maanta sleeg yihiin tirada ardayda wiilasha ah ee tirada ardayda hablaha ah, iyada oo mar walba ay tirada wiilashu ka badnaan jirtay tirada hablaha, Run ahaantii, waa horumar weyn oo ay habluhu ka sameeyeen in ay dugsiga hore u soo gaadhaan, sidaa daraadeed, waxa jira maanta Fasalo u gaar ah ardayda hablaha ah ee dugsiga dhigata,'' Ayuu Yidhi Maamulaha dugsigu.

''Marka hore, waxaan halkan ugu mahad-naqayaa macalimiinta, iyo ardayda dugsiga, mar labaadka waxa aan u mahad-celinayaa Wasiirada Waxbarashada, oo macalimiintii aan dugsiga ugu imi oo ay ku jireen Sagaal macalin oo aan gunaysnayni, ay noo gunaysay Todoba ka mid ah, Isha Allahu, Labada macalin kalena aanu balanqaadkooda haysano in bilaha soo socda lanoo guneeyo oo ushahar loo samaynayo, waxa iyana jira 15 hablood oo hay'ad Wasaarada Waxrasha la shaqaysaa ayu siisay fursado waxbarasho oo ay kaga bixinayso Afarta sannadood ee ay ku jiraan waxbarashada dugsiga sare lacagta (Shcool fee)-ga ah. Waxa aan halkan si weyn uga mahad-naqayaa Duqa Caasimada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo aan aan odhan karo run ahaantii waxa uu ka mid yahay bahda waxbarshada ee Dugsiga sare ee Muj Dayib Guray, isaga oo Maayarku si wadaninimo iyo masuuliyai ku jirto noogu ballan-qaaday in uu Dugsiga u dhisi doono Laybareeri, miisaaniyadana wuu ku daray immikaanu noo bilaabayaa dhismaha Laybareerigaa, waxaan leeyahay aniga oo ku hadlaya magaca maamulka, macalimiinta iyo ardayda Dugsiga Illaahay cimrigiisa ha dheetreeyo, waxaan leeyahay madaxda kale, Maayarka kaga dayda sida hagar la'aanta ah ee ugu shaqaynayo kobcinta horumarka danta guud, magaca Laybareerigaa cusub-na waxa aanu ku maamusnay oo aanu ugu magac darnay Maayar Cabdiraxmaan (Soltelco).'' ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay maamule Guuleed Goohe Iidaan.