Maamule-xigeenka Madaarka Cigaal Oo Ka Waramay Garoonka

0
656

Picture2Hargeysa(Geeska)-Weriyaha BBC-da ee magaalada Hargeysa Axmed Siciid Cige ayaa dhawaan booqday madaarka magaalada Hargeysa ee diyaaradaha ee Cigaal oo dhowaan loo dhamaystiray qalab casri ah oo lagu sugo ammaanka dadka rakaabka ah iyo shandadahooda iyo xataa gaadiidka soo gelaya xayndaabka cusub ee gegidaasi dhawaan loo sameeyay kaas oo dhan 13km oo iskuwareeg ah. Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay gegidaasi oo u kuurgalay nidaamka cusub ee rakaabku maro laga bilaabo irida madaarka ilaa iyo dhoofida,, waxaanu waraysi la yeeshay Nageeye Maxamed Xasan oo ah maamule ku xigeenka madaarka Cigaal, Waxaanu Nageeye oo ka waramaya qaabka loo galo madaarka Hargeysa uu yidhi  “Axmedoow sidaad arkayso qofka marka u horaysa wuxuu soo qaadanayaa warqada baabuurka ee parking, si haddii ay wakhti badan ku jiraan lacag yar looga qaado. Askari ayaa isna reebaya dadka aan dhoofayn oo diyaarada hoosteeda tagi jiray wakhtiyadii hore, imikase waxay kaga hadhayaan kadinka, waxaana gudaha soo geli kara qof shaqaale ah iyo qof dhoofaya, qofka dhoofayana waxa la marinayaa mishiinka casriga ah oo haddii uu ku qayliyo waxay inamada ammaanku ku baadhayaan gacanta, haddiise aanay waxba ka dhex qaylin wuxuu sii wadanayaa socodkiisa.”Nageeye oo sharaxaya marka uu qofka dhoofayaa galo gudaha garoonka diyaaradaha wuxuu yidhi  “Dadku waxay galayaan hoolka dhoofayaasha, waxaanay tagayaan diyaaradii ay u socdeen khaanadeedii, waana loo shaqaynayaa, marka loo shaqeeyana qofku wuxuu galayaa waaxda socdaalka.” Wuxuu sheegay Mr. Nageeye in dadka madaarka ka dhoofaa u kala baxaan dacalada  kala duwan ee adduunka, isagoo sheegay in celcelis ahaan ay maalintii madaarka Cigaal ka dhoofaan dad u dhexeeya 150-200 oo qof. Mar wax laga weydiiyay lacagta dadka dhoofaya amaba soo degaya laga qaado wuxuu yidhi maamule xigeenku,  “Markii hore dadka halka tegitaanka ayaa lagaga qaadi jiray, bishii January ayaanu baabiinay, waxaana qofku markuu soo degayo laga qaadaa lixdan dollar oo ah lacagtii maaliyadda.” Waxa kale oo uu sheegay in dadka laga qaado lacag ah amniga madaarada oo uu Baarlamaanku ansixiyay taas oo uu sheegay inay ku jirto tigidhada diyaaradaha, si aanay dadku u dareemin culays.