Hambalyo Ayaan U Dirayaa Wasiirka Caafimaadka

0
711

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa wasiirka Caafimaadka Dr. Saleban Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo wax weyn ka qabtay wasaaradiisa iyo deegaanka uu ka soo jeedo ee Buuhoodle. Waa wasiirka keliya ee isagoo huwan magaca qaranka Somaliland booqday Buuhoodle ee weliba guul ka soo hooyay. Waxase jira rag daba ordaya oo dacaayad iyo dagaal ku haya. Waxaan leeyahay qofka Somaliland wax u qabtaa qaranka ayuu wax u qabtay ee waa in la ammaanaa oo lagu abaal mariyaa, laakiin maaha in la dacaayadeeyo oo lagu caayo maxaad wax u qabatay. Waxa Wasiirka caafimaadka lagu haystaana waa maxaad wax u qabatay ee aad Buuhoodle u tagtay. Kuwa eryanaya waxaan leeyahay wuxuu Wasiirka caafimaadku Somaliland gaadhsiiyey Buuhoodle oo aad gaadhsiin kari weydeen ee ka daaya qaylida oo bogaadiya, lana shaqeeya. Mujaahid Cabdi Ibraahim Yuusuf (Cabdi Cawar)