Maamule Lacagtii Dadka Ladan Bangiga U Taallay U Qaybiyey Fuqarada Iyo Sida Yaabka Leh Ee Uu Xabsi UgaBadbaaday 

53
3746

Rome (Geeska)- Maamule Bangi oo lacag aad u badan ka xaday akoonno ay dad maalqabeen ahi ku lahaayeen bangiga uu maamulayey, ayaa si yaab leh uga badbaaday xabsigii ay ahayd in uu ku mutaystay dembiga uu ku kacay.

Gilberto Pasquera waxa uu guddoomiye ka ahaa bangi ku yaalla Forni di Sopra oo ah magaalo yar oo ah buuraley, ku taalla woqooyiga bari ee dalka Talyaaniga. Muddo uu bangigan haystay kaddib, waxa uu bilaabay in uu  khasnadda bangiga ka saaro lacag uu muddo 7 sano ah marba in yar saarayey oo ay wadarteedu gaadhay Hal milyan oo lacagta Yuurada ee qaaradda Yurub tahay.

Pasquera lacag aad u yar ayaa uu ka saari jiray akoonnada ay bangiga ku leeyihiin dadka maalqabeenka ah iyo ganacsatada waaweyn, waxa aanu lacagtaas ku wareejin jiray akoonnada shaqaalaha iyo dadka dakhligoodu yar yahay ee aanu u saamaxayn in ay deyn ka qaataan bangiga.

Muddadaas uu lacagta dadka saarayey, isagu mar keliya waxba kama u uqaadan, balse waxa uu aaminsanaa in ay tahay sida ugu fiican ee uu u caawin karo dadka faqiirka ah ee aan awoodin in ay lacagaha ay u baahan yihiin ka helaan bangiga, akoonnadooda oo aanay lacag badani ku soo dhicin awgeed.

Markii uu Pasquera muddo hawshan waday kaddib, waxa uu waxa uu arkay in ay lacagtii aad u badatay, haddii xisaab xidh guud oo bangiga ahi yimaaddana ay qasab tahay in la ogaado lacagta maqan. Sidaa awgeed waxa uu go’aansaday in uu isu dhiibo booliiska, una qirto in uu fal tuugo ah kula kacay bangigan oo uu muddo 7 sano ah lacago yaryar ka saarayey akoonnada dadka maalqabeenka ah.

Pasquera oo u warramay wargeyska maalinlaha ah ee Corriere della Sera oo ka soo baxa dalka Talyaaniga ayaa mar u uka hadlayey sababta ku kalliftay falkan, hadalladii uu ku jawaabay waxaa ka mid ahaa, “Waxa aan mar walba aaminsanaa, inkasta oo ay shaqadaydu tahay in aan ilaaliyo lacagta dadka u kaydsan, haddana ay sida oo kale shaqadayda ka mid tahay in aan caawiyo dadka baahan”

Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa Pasquera ku heshay dembi ah in uu lacago dad sifo sharci darro ah akoonnadooda uga saaray, waxa aanay ku xukuntay laba sano oo xabsi ah. Laakiin maxkamaddu isla xukunkeedaas waa ay ka daba tagtay, oo waxa ay sheegtay in iyada oo tixgelinaysa in ninkani muddo dheer oo uu shaqaynayey aanu wax qalad ah ama wax is daba marin kale ah samayn, iyo in dembigan uu hadda galay uu isagu soo sheegay, qirtayna. Waxa ay maxkamaddu go’aamisay in xabsigaa muddada labada sano ahi uu noqdo mid aan dhaqan gal ahayn, oo looga jeedo in aanu xabsiga ku qaadan.

Sheekadu halkaas kuma ay dhammaan, Pasquera si lacagta uu saaray dib loogu celiyo dadkii lahaa waxa lagala wareegay gurigiisa. Qareenkiisa oo BBC da la hadlayna waxa kale oo uu sheegay in shaqadii laga caydhiyey. Isaga oo difaacayana waxa uu qareenku yidhi, “Ninkani waxa uu doonayey in uu caawiyo dadka aan awoodi Karin in ay deymo ku helaan sifada caadi ahaan bangiga u dejisan” Sidaa awgeed waxa uu amaahin jiray ama caawimo ahaan akoonkooda ugu wareejin jiray lacago yaryar oo uu ka soo jaro akoonnada dadka maalqabeenka ah ee lacagaha badani u yaallaan bangiga.

Qisadani waxa ay soo bilaabatay sannadkii 2009, markii ay dunida ka dhacday mushkiladdii dhaqaala xumada ahayd. Waxaa u yimi muwaadin ka mid ah deegaanka magaalada uu bangigu ku yaallo, waxa aanu ka doonayey deyn. Pasquerra markii uu ninkii xaalkiisa baadhay waxaa u caddaatay in aanu lahayn ama ka soo bixi karin shuruudihii laga rabay dadka bangigu lacagta ammaahinayo. Laakiin ninkan dhibta haysatay oo uu aad uga xumaaday awgeed ma’ uu doonayn in uu faramadhnaan diro. Markii uu fikiray Pasquera xalka uu helay waxa uu noqday in akoonka ninkan uu ku soo shubo lacago uu ka soo kala ururiyey akoonnada dadka maalqabeenka ah, si akoonka ninkani uu u noqdo mid ay ku jirto lacag damiin u noqon karta in lacag la amaahiyo. Ninkii si fiican ayaa uu yeelay oo deyntii uu qaatay waa uu iska soo celiyey. Pasquera oo arkay sida fiican ee uu ninkani u qaan baxay ayaa ku dhiirraday in uu shaqadan ku sii socdo oo uu dad badan oo faqiir ahaa akoonnadooda lacago ugu shubo, laakiin nasiibdarro waxaa dhacday in dadka qaar ay deymihii soo celin waayeen. Markii deymaha lumayaa ay bateenna waxa ay gaadhay in toddoba sano gudahood ay hal milyan bangiga kaga maqnaadaan dadkii faqiirka ahaa ee uu Pasquera siiyey.

“Pasquera waxa uu ku kalsoonaa in dadkan uu deynta siiyey ay soo celin doonaan, laakin qaarkood ayaa soo celin waayey” ayaa uu yidhi qareenkiisu.

Markii arrintani dhacday kaddib Pasquera waxa uu isugu yeedhay dadkii maalqabeenka ahaa ee uu akoonnadooda lacagta ka saaray, waxa aanu u sharraxay waxa dhacay iyo sida ay u dhaceen. “Nidaama bangi waxa uu dayacayaa dadkii hawlgabka ahaa, oo uu waxa ugu yar u ogolyahay, waxa aanu ka tegeyaa dadkii dhalinyarada ahaa ee aan lahayn ilaha dakhli” ayaa uu yidhi Pasquera oo ka warramaya sababta uu dadka ugu calool dabcay. Waxa se uu sheegay in uu sameeyey qalad ah in uu lacag aad u badan bixiyey, “Laakiin lacagta aan bixiyey aad ayaa ay u badan tahay, mana filayo in aan dib u samayn doono fal noocaas ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here