“Xukuumaddihii Kulmiye Ee Taladda Dalka U Kala Dambeeyey Gabi Ahaanba Way fashilmeen”

27
3245

Siyaasi Cabdilaahi Daamur

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed Daamur, oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ku taliyey in aan la musuqin, oo sifo sharci daro ah aan loo isticmaalin adeegyada aasaasiga ah ama baahiyaha aasaasiga ah ee Bulshada, sida adeegyada deeqaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyahaba.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed Daamur, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale wax aad loola yaabo iyo ayaan daro ku tilmaamay in ilaa hadda aan sicir bararka wax laga qaban, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Waxaa inta badan jirta waxyaabo badan oo aan waxba laga dayin, oo aan la musuqin, sida adeegyada aasaasiga ah ee Arrimaha Bulshada, sida Deeqaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, waxaanu hore u ogeyn in Mashruucii Biyo balaadhinta Caasimadda ee Xunbo-weyne, in la musuqay, oo xitta Xukuumaddani si toos ah u sheegtay, laakiin waxa ayaan daro weyn ah in ilaa hadda in aan waxba laga qaban, cidda loo qaban, iyada oo ay caddahay qaabka loo musuqay iyo cidda musuqdayba, waxa kale oo aynu ka war haynaa in deeqo Waxbarasho inay soo baxeen, halkii si cadaalad ah loo qorsheyn lahaa, oo waliba Gobolada Sool iyo Sanaag loo badin lahaa si loo soo dhaweeyey, qaabkii loo musuqay iyo sida laga yeelay weynu ka war haynaa, markaas waa ayaan daro in adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada in musuq iyo eex laga dayo”.

Mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Waxaynu ka war qabnaa in Xukuumaddii hore ee Kulmiye ee sababta u ahayd Sicir bararka inay ku fashilantay, marar badan bay odhan jirtay wax baanu ka qabanaynaa, Xukuumaddana waa la mid, markaas Xukuumaddihii Kulmiye ee taladda dalka u kala dambeeyey gabi ahaanba wey ku fashileen wax ka qabashada sicir bararka, ilaa haddana qorshihii wax lagaga qaban lahaa lama hayo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here