Maamule Iyo Hoggaamiye: Qeexdooda, Waxa Ay Ku Kala Duwan Yihiin Iyo Shaqada Mid Kasta U Taalla (Q. 3)

124
16128

Hargeysa (Geeska) – Warbixintan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Sharqal Aawsat ayaa kala saaraysa maamulka iyo hoggaaminta, waxa aanay soo bandhigaynaa kala duwanaanshiyahooda iyo meelaha ay iskaga eegyihiin.

Xeerarka oo la jebiyo iyo xeerarka oo la raaco

Marka ururka ama shirkadda ay ka hor yimaaddaan dhibaatooyin iyo caqabado waxa ay hoggaamiyeyaashu inta badan dhinac iska dhigaan xeerarka iyo nidaamyadii dejisnaa in la raaco. Laakiin maamuluu, waxa uu ku qasbanaadaa in uu ku dheggenaado Istaraatijiyadihii uu hoggaanka sare u dejiyey shirkadda.

Kalsooni abuur iyo amarrada / tilmaamaha adag

Hoggaamiyaha ruugcaddaaga ahi, waa k aka shaqeeya in uu dhiso kalsoonida u dhexeysa isaga iyo shaqaalaha. Waxa uu ku dadaalaa in shaqaaluhu ay isaga ku xidhnaadaan, si uu ugu soo riixo in ay qaataan afkaarta hoggaamiyaha, xitaa haddii ay yihiin qodobbo aanay ogolaan karin.

Maamuluhu waxa uu xoogga saaraa in tilmaamaha iyo waajibaadka hoggaanka sare ka yimaaddo, uu shaqaalaha waajib kaga dhigo in ay raacaan iyaga oo aan dood iyo su’aalo ka keenin.  Ruuxa shaqaalaha ahi kuma qasbana in uu hoggaamiya la qabo aragtidaas ama fikirkaas.

Fikirrada oo la xoojiyo iyo shaqada oo lasteeyo

Hoggaamiyeyaashu waxa ay xoojiyaan fikirrada cusub, waayo waxa ay ogyihiin in ay taageero weyn u noqonayaan ujeeddooyinka dawladda, shirkadda ama ururka. Waxa ay taageeraan in shaqaaluhu ay adeegsadaan awooddooda garaad ee ugu weyn ee ay ku keeni karaan fikirro ka baxsan xayndaabka hoose ee hawlsocodsiinta.

Laakiin maamuleyaashu / Maareeyeyaashu ma dhiirrigeliyaan fikirka xorta ah, iyaga oo ka cabsi qaba in fikirkaasi uu ka hor yimaaddo ujeedooyinkii saree e shirkadda ama hay’adda. Sidaa awgeed waxa ay qaataan jidka ah in ay shaqaalaha iyagu u yeedhiyaan waxa ay tahay in ay qabtaan. Waana habka keliya ee ay ku hubin karaan in shaqaaluhu ay fulinayaan wixii laga rabay, una fulinayaan sidii loo sheegay in ay yeelaan.

Is dhamaystirka hawsha maamulaha iyo shaqada hoggaamiyaha

Haddii aad taxanihii hore ee qormadan la socotay, waxa aad dareentay in ay kala duwan yihiin hoggaamiyeyaasha iyo maamuleyaashu / maareeyeyaashu, laakiin hoggaanka iyo maamulku waa laba hawlood oo is dhamaystiiri kara.

Hoggaamiyeyaashu iyagu waa kuwa khatarta u badheedha, hal-abuurka keena, awoodna u leh in ay bedbeddelaan xeerarka ciyaarta iyo kaalinta la kala yeelanayo. Laakiin maareeyeyaasha shaqadoodu waa in ay shaqada ku socodsiiyaan jidkaas cad ee loo jeexay. Sida uu qoraaga aynu soo xigannay sheegayo, maamuluhu waxa uu shirkadda ama dawladda ku ilaaliyaa in xaalkeedu uu sii ahaado sida uu hadda yahay.

Laakiin macnuhu ma’aha in aynu odhan karno maamule in aad noqoto ayaa ka fiican in aad hoggaamiye noqoto, taas lidkeedana ma’ odhan karno.

In shirkadda, ururka ama xitaa dawladdu ay hoggaamiye weydaa waxa ay gelaysaa khatar ah in ay noqoto quwad fadhida oo aan dhinacna u socon, haddii ay maamule weydana waxaa imanaya khatata ah in la gaadhi kari waayo yoolkii iyo bartilmaameedkii la’ lahaa.

Hoggaamiye iyo maamulo waa laba arrimood oo aad u kala fog, laakiin haddana isku koox keliya ku wada jira. Waxaa dhici karta in hoggaamiyuhu uu fikrad weyn keeno, laakiin haddii aanu maamule haysan, suurtagal uma noqonayso fulinta iyo dhaqank gelinta aragtidsaasi. Dhinaca kalana, maamuleyaashu guul ma’ gaadhi karaan haddii aanay haysan hoggaamiyeyaal iyagu dibadda ka jooga hawlfulinta oo hadba aragtida cusub ee lagu soconaya soo dejiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here