Maamulaha Madaarka Hargeysa Oo Ka Hadlay Mashquulka Xagaaga iyo Cabasho Ka Timi Rakaabka

0
419

Hargeysa(Geeska)-Maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa ka hadlay shaqada baaxada leh ee wakhtigan Xagaaga ka socota Madaarka caasimada Cigaal Airport. Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport ayaa sidoo kalena waxa uu ka jawaab ka bixiyey cabasho ka timid qaar ka mida Rakaabka Madaarka adeegsada oo ka cawaday in ay dib uga dhaceen alaabtii ay siteen.

Maamule Maxamed Yuusuf oo shalay shir’jaraaid ku qabtay xafkiiskiisa ayaa waxa hadaladiiisii ka mid ahaa “ Wakhtigan waxa aynu ku jirnaa wakhtigii xagaaga oo shaqada ka socota Madaarka ay ku socoto dardar xoogan, xagaaga sanadkani waa kii ugu dadka badnaa, nambarka dadka soo dagayaasha iyo kuwa dhoofayaaba ahiba aad ayey u badan yihiin, Wasaaradda Duulista iyo maamulka madaarkuba wakhtigan xagaaga si weyn ayey ugu diyaar garoobeen, waxa aanu samayanay qorshe hawleed la xidhiidha u diyaar garowga wakhtiga xagaga, dhamaan qaynbaha kala duwan ee madaarkana dib u habayn ayaanu ku samaynay waxaanu u diyaar garownay in dadka reer Somaliland ee xagaagan inoo imanayaa inay helaan adeeg hufan ee dheeli tiran, waxa aanu diyaarianay dhalinyaro shaqaale ah oo firfircoon, dib u dhis balaadhan ayaanu ku samayay Ternimalada madaarka, amaanka ayaanu sidoo kale sare u qaadnay, waxa kale oo aanu dadweynaha Eheladoodu imayanayaan u diyaarinay goobo ay ku sugaan, ama ku dhoofaya ay ku sagootiyeen, waxa kale oo aanu diyaarinay qalab ay dadku kala soconayaa wakhtiga ay diyaaradu soo fadhiisanayso ama kacayso, mararkii hore su’aalo badan ayaa arintaas naga iman jiray.”

Maamulaha Madaarka Cigaal ayaa sidoo kale sheegay in Madaarku wuu wakhtigan qaabilay rakaabkii reer Somaliland ee hore u adeegsan jiray Madaarada Jigjiga, Jabuuti iyo Berbera waxaanu yidhi “ wakhtiyadii hore waxa dhici jirtay in dadku ay soo maraan Jabuuti ama Jigjiga ka soo dagaan, ama ay Berbera ka soo dagaan sadexdaas madaar dadkii ka soo degi jiray ayaa maanta u soo wareegay Madaarka Hargeysa marka lagu daro intii caadiga ahayd ee isaga markii hore adeegsan jirtay, dadka baaxadaas leh ayuu madaarku maanta u adeegayaa, taasina waxya ina tusinayaa awooda madaarka, iyo shaqada baaxada leh ee Madaarka laga qabtay.”

Maamule Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyey cabasho ka timid qaar ka mida dadweynaha Safarka ah ee Madaarka ka soo daga taas oo la xidhiidha inay dib uga dhacaan shandahoodu waxaanu yidhi “ Adeegyo badan ayaanu dadka u qabanay, laakiin waxa aanu jecelnahay in aanu ka raali galino, cabashadooda ku aadan in dadka shandahoodii ay diyaaraduhu soo kala horaysiinayaa rakaabkii iyo shandadihii, taasina waxa sababay dad badan oo wakhtigan xagaaga imanaya, dad badan ayaa culayska alaabta ay sitaan iyo kan diyaaradu qaadaysaa ay kala bateen marka ay diyaaradu rakaabka sido, taasi oo keentay in dadkii alaabtii ka soo horeeyaan, maalin ama laba cisho ka dibna alabatii la keeno, arintaaasi anaga wixii nagala gudoon waxaanu jecelanahay in aanu smayano, ka maamul madaar ahaana dadaal ayaanu u galanay in dadkaasi alaabtooda wakhti haboon loo keeno, walow aan sidii aanu doonaynay wax u dhicin ilaa hada, laakiin arintaas waanu ku hawlan nahay shirkada Diyaaraha waanu ka hada hadlaynaa, dadweynaha shandahood ka raagee ee magaalooyin kale u socda waanu u samaynaa adeeg dheeraad ah sidii hore alaabtooda loogu keeni lahaa.” Ayuu yidhi maamule Maxamed Yuusuf.