Arday Ka Tirsan Beelaha Gabooye Oo Ku Tartamayey Xifdiga Quraanka Oo Jaa’iisado La Gudoonsiiyey

0
584

Picture2Hargaysa(Geeska)-Ardayda xaafidul Quraan ah, oo kala kala socday Gobolada Togdheer, Saaxil iyo Maroodi-jeex, oo ka tirsan Beesha Gabooye, oo muddo laba cisho ah Tartan dhinaca Xifdiga Quraanka ahi uga socday Magaalada Hargeysa, ayaa si rasmiya loo soo gaba- gabeeyey,waxaana Tartanka Xifdiga Quraanka ku tartamaayey 44-arday oo iskugu jira Hablo iyo Inamo, kuwaas oo ku tartamaayey Labtaanka Jis, Tobonka Jis iyo Shanta Jis.

Munaasibad balaadhan oo Shalay lagu qabtay Masjidul Quba ee Xaafada Daami ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qeyb galay  Wasiirka Wasaaradda Diinta iy Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Guddoomiye ku xigeenka Xuquuqul Isaanka Somaliland Liibaan Ismaacil, Salaadiinta Beesha Gabooye Aqoonyahanka Beesha Gabooye,Guddoomiyaha Qurbaha Jooga Beesha Gabooye  iyo Ardaydii ku tarmaysay Tartanka  Xifdiga Quraanka.

Guddoomiye  ku xigeenka Xuquuqul Isaanka Somaliland Libaan Ismaacil Maxamuud, ahaana Guddoomiyaha Guddida Qaban Qaabada Tartanka Quraanka Kariinka, oo  ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa  faah-faahin ka bixiyay ujeedada loo qabtay Tartankan, waxaanu sheegay  in Tartankan ay ku jireen Hablo iyo Inamaba, waxaanu yidhi  “Sidaad Ogtihiin Tartankani waxa uu soo socday labadii Ramadaan ilaa Saddexdii Ramadaan Maantana (Shalay) waa uu soo gaba Gaboobay,Wasiir waxa noo sharaf ah inaad kulan Lagu  tartamayo Quraanka Kariimka ah nagala soo qayb gasho,waxaanan Tariikhda ka gali doontaa kaalin dahab ah,Markii Hore Dadku waxa ayna nagu xaman jireen inaanu  nahay Boqorada Codka Somaliyeeda,lakiin taas Maanta waanu badalnay oo waxaanu nahay Xufaad Quraanka ILLAAHAY  ku tartama”.

Dhinac kale Guddoomiyaha Guddida Qaban Qaabada Tartanka quraanka kariinka Liibaan Ismaaciil Maxamuud  ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Ardayna ka mid ah Beesha Gabooye ee ku tartamayay Quraanka Kariinka ah waxa ay qaarkood ka yimaadeen Gobolka Togdheer iyo Gobolka Saaxil kuwaas oo u yimid si ay Tartankan u galaan,intooda kale waxa ay ka yimaadeen Madaariska ku yaala Xaafada Daami oo ay ka mid tahay Madarasadaha Quba,Daarul Hudaa,Aflax iyo Markisul Matxi”.

Sidoo kale waxa isna Munaasibadaasi hadal kooba kasoo jeediyay Suldaan Daakir Xasan Khaliil waxaana uu ku dheeraaday muhiimada ku jirta in kitaabka ILLAAHAY kor loo qaado,waxaana uu mahad naqa u diray ninka bixiyey Lacagta Tartanka Quraanka oo  ka gaabsaday in Magaciisa la sheego kaas oo ku deeqay(Saddex Kun Iyo Shan Boqol Oo Dollar)ee lagu qabtay Tartanka Quraanka Kariinka ah,waxaana uu Suldaanka Daakir sheegay in qofkasta looga baahan yahay inuu caawiyo dadkiisa tabaalaysan Bisha barakaysan ee Ramadaan kaas oo kaga qeyb qaadanaya cibaada ILLAAHAY, waxaanu yidhi ”Kitaabka ILLAAHAY oo lagu tartamo ayaa la arki jiree Maxaa ay beesha Gabooye iskugu soo koobtay Tartanka Quraanka kariinka ah,runtii anagu qabiil ugamanaan danlahayn arintan lakiin waxaanu uga jeednay ardayda iyo Macalimiinta Madaariska Quraanka ah dhiga sidii ay ardayda ugu awood galin lahayeen,korna ugu soo qaadi lahayeen Kitaabka ILLAAHAY iyo Sunaha  Rasuulka,sidaa ayaanu uga jeednay si ay kuwa banaanka joogaana marka ay arkaan ardaydii ay isku fasalka ahayeen oo jaa’isado qaadanaysa Iyana ku soo dhiiran lahayeen”.

Suldaan abu Suufiyaan,Suldaan Axmed Cabdilaahi Shabcaan iyo Suldaan Maxamed Ibraahin Xasan oo iyaguna Munaasibadaas hadalo kasoo jeediyay ayaa ku dheeraaday faa’idada uu leeyaha in kitaabka ILLAAHAY SWT lagu ababiyo Carruurta yaryar ee da’yarta ah si ay hadhwo u noqdaan kuwii anfici lahaa dalkooda iyo dadkooda,waxaana ay dadka dagan Xaafada Daami usoo jeediyeen in wanaag laga wado xaafada Daami in ay iska garab taagaan isla markaas ka dayaan khal khalinta.

Sidoo kale waxa ay Salaadiintu carabka ku adkeyeen in Beelaha Gabooye ay u badnayeen fanaaniin,waxaana ay sheegeen in maanta laga bilaabo ay dhigeen kamankii isla markaasna usoo gudbeen xaga kitaabka.

Guddoomiyaha Qurbaha jooga beelaha Gabooye Yurub iyo America Maxamed Nuur Mooge oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi ”Sida laga dhawaajiyay waxaanu qabsanay tartan Beleed,haddii tartan beleedkana loo dhigo xaga wanaagsan waxba ma xumaanayaa lakiin hadii la yidhaa kaligood ayay wax qabsadeen,Anigu waxaan odhan karaa idinkuna sunihii ayaad samayseen anaguna faralkii ayaanu qaaday, waxa dhib ah kuma jiraan hadaanu tartankaas u qabanay jiilkii usoo kacayay mustaq balka dalka ee maanta hiigsanayay maamulida wadanka”.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa ku hambaleeyay Salaadiinta Beesha iyo Aqoon yahankeeda sida wanaagsan ee ay u soo qaban qaabiyay waxaana uu cadeeyay in ka Xukuumad ahaan markasta garab taagan yihiin wax la qabadka Beesha Gabooye,isla markaas ay ka tageeri doonaan haday noqoto xag dhaqaale iyo xag aqooneedba waxaana uu yidhi “Kulan-kan lagu tartamayo Quraankii ILLAAHAY ee ay ku tartamayaa nimankaas yaryar ee xufaad ah aad Ayaan ugu faraxsanahay,waxaanan ka xukuumad ahaan idiin balan qaadaynaa inaanu markasta idin garab istaagno,wixii karaan kayaga ahna idin siino,waana waxa ILLAAHAY loogu mahad naqo inaad soo saarteen Caruurtaas iyo hablahaas yaryar ee da’yarta ah ee kuna tababartaas quraankA EEBE waa waxa ILLAAHAY loogu mahad naqo,anigu ka wasiir ahaan waxaan ugu talo galay munaasibada inaan ardayda guddoonsiiyo kitaabtaas Quraanka kariinka ah ee aan anigu ugu talo galay ardayda kaalmaha hore ka gashay Quraanka kariinka ah. – See more at:

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ayaana  waxa Sagaalkii Inamood ee Kaalmaha hore ka galay iyo Todobadii Hablood iyo dhammaan Ardaydii ku jirtay Tartanka Xifdiga Quraanka Kariimka ah gudoonsiiyey Jaa’iisado kala duwan, oo Guddidii Garsoorka ka ahayd Tartanku qiimeeysay.