Maamulaha Dahabshiil oo Sharraxay Fursadaha Maalgashi iyo Kaalinta Shirkadu ku leedahay

0
1108

daahsbHargeysa (Geeska)- Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa si ballaadhan sharraxaad uga bixiyey fursadaha maal-gashi ee ku dihin Somaliland, una baahan in hanti loo horo, si loo helo horumar, wax-soo-saar iyo koboc dhaqaale oo ka hana-qaada dalka iyo doorka muuqda ee shirkadaha Dahabshiil ku leeyihiin dhiirrigelinta fursadaha muuqda.

Maamulaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid oo khudbad miisaan leh shalay ka jeediyey furitaanka Shirweynaha labaad ee Qurbo-joogga Somaliland oo si sannadle ah loogu qabto dalka, kaasoo muddo laba maalmood ah ka socon doona huteelka Ambassator ee magaalada Hargeysa, hal-ku-dheg-na sannadkan looga dhigay maal-galinta qurbo-joogga ee dalka, waxa uu ku soo bandhigay siyaabaha looga faa’iidaysan karo dhulka Somaliland ee u baahan maal-gashiga iyo weliba caqabadaha jira waxyeellayn kara ee ay tahay in wax laga qabto.

Ugu horreyn Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo ka hadlayey muhiimadda ay Qurbo-joogga reer Somaliland u leeyihiin dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarka dalka, waxa uu yidhi; “Dadka Qurbo-joogga ah ee dibedda waddankeenna kaga maqan ama kuwa waddanka ku soo noqday ee aan anigu ka mid ahay, runtii waynu ognahay qaybaha kala duwan ee ay dhaqaalaha waddanka kaga qayb-qaataan. Markaa, waxaan doonayaa inaan ka hadlo farsadaha jira ee weli u furan dadka dibedaha ka soo noqday iyo kuwa doonaya inay ka soo noqdaan. Laakiin, waxaan jecelahay inaan inna xasuusiyo caqabadaha jira iyo waxyaalaha waddankeenna ee u baahan inaynu wax ka wada qabanno.

“Waxyaalahaa anigu waxaan u arkaa inay ka mid yihiin waddooyinka oo gobollada dalkeenna marka loo kala baxayo waddooyinkooda wakhtiga roobabku da’ayaan way adag tahay inaad waddanka u kala socoto, waxaanay dabcan taasi saamayn ku yeelanaysaa dhaqaalaha waddanka, shaqo-abuurista iyo isu-gudubka ayey caqabad ku tahay, waxaanay ka mid tahay taasi hawlaha innoo yaal.”

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay inay jiraan meelo horumar ballaadhan laga sameeyey, “Waxa jira dhinac kale oo dalkeennu horumar ka gaadhay ama uu horumar la taaban karo marba marka ka dambaysa ka samaynayo, kaasoo ay ka mid yihiin jaamacaduhu, waxa la odhan karaa labaatan sano ka hor Jaamacaduhu waddankeenna kamabay jirin, maanta-se ilaa labaatan Jaamacadood baa Somaliland ka furan oo fursad u ah dhallinyaradeenna, inkasta oo ay horumar u baahan yihiin, haddana meel fiican bay marayaan.

“Waxa kale oo jira shirkado Isgaaadhsiineed oo caalami ah oo ay Dahabshiil (Somtel) iyo kuwo kale oo dalka ka jiraa ka mid yihiin, inkasta oo aanay shirkadaha laftoodu wadahadal (tilifoonnadoodu), oo taasi cilladaha jira ka mid tahay, laakiin haddana waa horumar la odhan karo shirkadaha telefoonnadu way gaadheen, waxaan garanayaa mar waddankeenna dhinaca Internet-ka cillado badan aan kala kulannay, maantana Somaliland koonaha aad tegtid-ba Internet waayir-les ah (bilaa xadhigga) baad ka helaysaa oo shaqaynaya oo horumar baa xaggaa ka socda. Dabcan waxyaabahaas oo dhan anigu waxaan qabaa inaanay suurtagaleen haddii aanay dadka aad ka midka tihiin ee qurbaha ka soo noqday ka shaqaynaynin ama aanay maalgelin ku samaynaynin, maxaa yeelay waxaas oo dhami waxay u baahan yihiin lacag, aqoon iyo xirfad, dadka dalka joogaana qayb wayn bay ka qaateen dhinacay doontaba ha noqotee,” ayuu yidhi Cabdirashiid.

 Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid, waxa uu sheegay lacagta dalka dibeddiisa ka timaaddaa inay dhaqaalaha waddanka qayb ka tahay, isagoo ku ammaanay dadka qurbaha ka yimi ee maalgelinta ku sameeyey dalka oo uu tusaale u soo qaatay mulkiilaha Huteel-ka Ambassator ee magaalada Hargeysa. Sidoo kalena waxa uu xusay in mar kasta dadka qurbaha ka soo laabtaan, gaar ahaan xilliyada Xagaaga ay wax badan dalkooda iyo dadkooda ku soo kordhiyaan.

Mr. Cabdirashiid waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay fursadaha maalgashi ee ka bannaan dalka Somaliland ee ay ka qaybqaadan karaan qurba-jooggu, waxaannu yidhi, “Waxyaalaha dhiman ee waddankeennu u baahan yahay in la sii horumariyo, waxa ka mid ah Waddooyinka, Korontada, Biyaha oo aan meel walba gaadhsiisnayn, Waxbarashada, Caafimaadka, Cuntada oo iyaduna qayb ka ah, waxaanay waxaas oo dhami ka mid yihiin waxyaalaha dadka qurbo-joogga ahi ay qayb ka qaadan karaan inay maalgaliyaan, inay aqoontooda ku soo kordhiyaan, gaar ahaan wershadaha isticmaali kara wax-soo-saarka gudaha ah, si aynu u yarayno waxyaabaha faraha badan ee aynu dalka dibeddiisa ka keensanayno waxay doonaan ha noqdaane. Maxaa yeelay waddan marka uu isticmaalo waxa uu hantida u leeyahay ayuu joojin karaa waxa dibedda uga imanaya ama madaxbannaanaan karaa xagga dhaqaale iyo xag walba.”

Waxa Maamulaha Guud tilmaamo ka bixiyey kaalinta muuqata ee shirkadaha Dahabshiil ka soo qaateen, welina ku hawlan yihiin, fududaynta isu-gudbinta lacagaha iyo isgaadhsiinta, isaga oo hoosta ka xarriiqay in haddii aan labadaa adeeg jireen ay adkaan lahayd in qurba-joogga (uu ka midka yahay) ku dhiirran lahaa curinta barnaamijyo iyo mashaariic maalgashi oo tayo leh. Waxa ku sababeeyey arrintaa adeegyada shirkaddu u qabatay macaamiisha oo adduunka intiisa badan si sahlan looga helayo iyo iyada adeegyada shirkaddu aanay ku koobnayn xawaaladaha lacagta oo keli ah ee, sidoo kale, adeegyada isgaadhsiinta iyo Bangigu door muuqda ku leeyihiin dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Waxa uu Cabdirashiid ka warramay sidii ay u aasaasantay shirkadda Dahabshiil in 40 sano ka hor uu magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ka bilaabay Aabbihii Maxamed Siciid Ducaale, wakhtigaas oo ganacsi ka duwan kan hadda shirkaddu hayso ay qaban jireen, sida in alaab dibedda laga keeno iyo in lacagaha ay gaadhsiiyaan dadka meelaha kala fog ku kala nool.

Haseyeeshee, ay maanta Dahabshiil ka shaqayso inta badan dalalka caalamka oo ay lacagaha u kala xawisho, adeegyo kale oo badan oo Isgaadhsiintu ka mid tahayna ay qabtaan, kana shaqeeyaan dad ka badan ilaa shan kun oo qof oo Soomaali ahi, isla markaana ay dalka maalgashi ka fuliyaan.

Waxa kale oo uu shaaciyey inay jiraan hay’ado iyo ururro caalami ah oo ay wada shaqayn leeyihiin Shirkadda Dahabshiil, kuwaas oo ay ka mid tahay hay’adda IFAD, kuwa kalena wadahadal u socdo. Sidoo kalena ay diyaar u yihiin ciddii doonaysa inay wadashaqayn la xidhiidha shaqada Dahabshiil bulshada u qabto ay soo dhawaynayaan.