Madaxweyne-xigeenka Oo Hargeysa Ka Furay Shirka Qurbe-jooga Somaliland

0
642

sayHargeysa(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Seylici) ayaa shalay kafuray  Magaalada Hargaysa shirweynahii Labaad ee jaaliyadaha Somaliland ee Dibadaha.shirweyanahaas oo socon doona laba maalmood.

Shirkan waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada Madaxyooyadda, Cadaalada, Ganacsiga, Caafimaadka iyo Hawlaha Guud.

Gudoomiyaha Hay’adda Qurbo-joogga Somaliland Maxamuud Cabdiraxmaan Cali oo kulankaas hadal ka jeediyey ayaa faah-faahin kooban ka bixiyey shaqada uu xafiiskiisu qaranka ugu xil-saaran yahay iyo hawlahii ay Hay’ad ahaan qabteen mudadii 100-ka habeen ahayd ee u dambaysay.

Madaxaweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Saylici oo furitaankii shirkan khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Qurbojoogu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaale ee uu Somaliland ku tiirsanaa mudadaii labaatanka Sano ahayd ee aynu soo dhaafnay, waxaanu u soo jeediyay in shirkan ay ka soo baxdo qorshe muddo dheer lagu hawl-galo.

Md Saylici waxuu ugu baaqay Qurbojooga inay ka shaqeeyaan sidii maal-gashiga waddanka la isaga kaashan lahaa loogana midho dhalin lahaa kheyraadka dalka loona abuuri lahaa shaqo abuuris keeni karta in caajisku ka baxo dardargelinta koboca dhaqaale ee Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu kula dardaarmay ka soo qayb galayaasha taageerada dhaqaale ee dalkooda, dadkooda iyo dawladoodaba.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna munaasabadaas ka hadlay waxa uu sheegay in Qurbojoogu kaalin lixaad leh ka qaataan nolol maalmeedka bulshadeena, waxuuna uga mahadnaqay kaalinta ay ku leeyihiin ganacsiga iyo hanaanka bilicda magaalooyinka.