Ardaydii Ugu Horaysay Ee Barata Cilmiga Hagida Gaadiidka Cirka Oo Ku Qalin Jabiyay Addis Ababa

0
524

Picture2AddisAbaba(Geeska)-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Xarunta Macadka” Ethiopian civil aviation Authority” oo ku dhextaal “Pole International Airport” ee Caasimada Dalka  Ethiopia ee Addis Ababa.

Xafladan oo ay ku qalin jabinayeen 13 Arday oo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Duulista  Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland, waxa munaasibadaas ka qayb galay Wafti uu hogaaminaayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Taliinta Sare Axmed Nuur Faahiye , sidoo kale waxaa Waftigaas xubin ka ahaa  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Cumar Sayid C/laahi aadan.

Waxa iyaguna Xafladaas Qalin jabinta ka soo qayb galay Agaasime Ku Xigeenka ” Ethiopian civil aviation Authority” i Mr Shiemeles Kibrreab iyo Madaxa Macadka iyo Tababarada Mr Tashale.

Ardaydan Reer Somaliland oo ahaa kuwii ugu horeeyay ee ay Wasaaradda Duulistu u dirto Tababar dhinaca hagista hawada ah, ayaa waxaa ugu horayan Munaasibadaasi ka hadlay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarshada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur Faahiye, oo ku amaanay Dawlada  Ethiopia iskaashiga iyo xidhiidhka saaxibtinimo ee ay la leedahay Wadanka Somaliland, waxaana uu sheegay Wasiiru Dawluhu in ay sii dardar galindoonaan xidhiidhkaas saaxibtinimo dhinacooda ka Somaliland ahaan, waxana uu uga mahad celiyey Dawlada Ethiopia Deeqdaas Waxbarasho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Soamliland Cumar C/laahi Aadan oo isaguna ka hadlay Munaasibadaas ayaa u mahad celiyey Madaxda Macadka iyo guud haan Masuuliyiinta Wasaarada Gaadiidka ee Ethiopia, sidoo kale waxa uu Agaasimuhu mahad naq u jeediyey Masuuliyiinta Safaarda Somaliland ee Addis Ababa oo uu sheegay in ay qayab libaaxle ka qaateen hawshaasi, Agaasimuhu waxa uu sheegay in ay sii wadidoonaan xidhiidhka saaxibtinimo ee ay la leeyihiin Dawlada Ethiopia iyo iskaashiga dhinaca Hawada.

Sidoo kale Agaasime Cumer waxa uu xusay Ardaydan oo baratay Cilmiga Hagida Gaadiidka Cirka (AIR TRAffiC CONTROllers) in ay wax weyn ka tari doonan xaga shaqada Madaarada Somaliland.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay agaasime ku xigeenka hayada civil avation authority iyo masuuliyiinta Macadka” Ethiopian civil aviation Academy” oo ku amaanay Ardaydaas sidii ay wax u baranayeen, waxana ay balan qaadeen in ay sii wadayaan deeqaha Waxbarsho ee ay siinayaan Shaqaalaha Wasaaradda Duulista ee Somaliland, labadan masuul ee Macadkaas ayaa Gudoonsiiyey Ardayda  Shahaadooyinkii Qalinjabinta Tababarkaas.

Ugu danbayantii Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Somaliland ayaa si wad jir ah u gudoonsiiyey Shahaado Sharafyo labadan masuul oo kala ah  agaasime ku xigeenka hayada civil avation authority Mr Shiemeles Kibrreab iyo Maamulaha  Macadka” Ethiopian civil aviation Authority” ku leeyahay Madaarka bole international airport Mr Teshele.