Ma Taqaannaa Sababta Dadka Guulaystaa Uga Baqaan In Ay Ku Nalloodaan Badhaadhahooda

0
409

Jonathan Rauch oo ah qoraaga buugga “The Happiness Curve: Why Life Gets Better After 50” ayaa soo bandhigay caddaymo muujinaya dadka badankoodu marka ay gaadhaan da’da soddonaadka iyo afartanaadka in ay hoos u dhacdo farxaddoodu, illaa heer ay gunta gaadho, laakiin ay mar kale kor u soo kacdo marka uu qofku gaadho da’da kontonaadka. Inkasta oo ay farxaddu tahay arrin aan la saadaalin karin, haddana inta badan marka uu qofku dhaafo da’da toddobaatanaadka waxa ay farxaddiisu noqotaa mid joogto ah, dadka qaarnoodna illaa dhamashadooda waa ay sii korodhaa uun, gaar ahaan ragga. Inkasta oo haddana isla ragga da’daas ah ay marar badan la kulmaan niyadjab, gaar ahaan marka ay dhaafaan da’da kontonka.

Daraasado badan oo lagu baadhay sababta da’daad ku keenta niyadjabkana waxaa lagu ogaadayin ay tahay iyaga oo dareema in dadka ku xeerani aanay siinayn muhiimaddii ay mudnaayeen. Sannadkii 2007 ayaa koox cilmibaadhayaal ah oo ka socday jaamacadaha Los Angeles iyo Princeton ee dalka Maraykanka ayaa baadhis ay sameeyeen oo natiijadeeda ay faafisay majaladda ‘Journal of Gerontology’ waxa ay ku ogaadeen in dadka waaweyni ay dareemaan in qiimihii ay qoyska ama dadka ku xeeran ku dhex lahaa uu hoos u dhacay, taas oo keenta xaalado sababa in dhimashadoodu ay saddex laab ka badato dhimashada dadka da’dooda ah ee iyagu aan xaaladdan oo kale dareemin. Waxa kale oo iyaduna la mid ah dadka dhaliyaranimadooda leh hibooyinka ay ku caan baxeen, oo marka ay da’da hawlgabka gaadhaan uu ku bilowdo niyadjab iyo xaalado nafsadeed oo khatar ku ah caafimaadkooda iyo xitaa badqabkooda jidheed.

Dhinaca kalana daraasadaha la sameeyey waxa ay iftiimiyeen in dadka dhalinyaranimadooda guulaha waaweyn gaadhaa ay khatar u yihiin in marka ay weynaadaan ay dareemaan in aanay dadka ku xeerani sidii hore u qiimaynayn, taasina ay sababto in uu ku dhaco daal maskaxeed iyo nafsadeed oo ku keena gaabis, haddii aan xal loo helin burburin kara naftooda. Tusaale ahaan ciyaartoyga magaca ku leh xirfaddu marka ay ciyaarta hawlgab ka galaan waxa ay in badan oo ka mid ahi la kulmaan duruufo nafsadeed oo la tacaalistooda ay qaar badani ku fashilmaan. Waxaana dhacda in lagu arko niyad xumo, rejo dhig, qulub, isku buuq, balwadaha mamnuuca ah oo ay bartaan ama xitaa in ay is dilaan.

Cilmibaadhis sannadkii 2003 la sameeyey oo ay faafisay majaladda ‘Journal Of Applied Sports Psychology’ ayaa daahfurtay in dhibaatooyinka nafsadeed ee ay la kulmaan guud ahaan ciyaartoyiga hore ee ciyaaraha ka fadhiistaa ay sababteedu tahay dareen ku abuurma marka ay hawlgabaan oo ah in ay aaminaan in naftooda aanay xakamayn karin.

Ka baqashada dhicitaanka

Dhibaato kale oo ah ta uu cinwaanka maqaalkani muujinaya ayaa ay waajahaan dadka meelsare nolosha ka gaadha. Waa dhibaato ay badankoodu la kulmaan xitaa inta ay halka ugu sarraysa ee guushooda joogaan, taas oo caqabad ku noqota in ay farxaddooda iyo badhaadaha ay dareemayaan uu noqdo mid u qalma guusha miisaanka leh ee ay gaadhaan. Dhibtaasi waa cabsi nafsiya oo uu qofku ka qabo hoos u soo dhac ku yimaadda guusha uu gaadhay kaddib.

Marka aad gaadho figta sare ee guusha waxa aad markaba dareemaysaa in aad u baahantahay halgan cusub oo aad ku adkaysanayso booskaas si aanad hoos uga soo dhicin, waa halgan ka dhib badan kii aad ku soo gaadhan halkan. Cabsida ay ka qabaan in ay mar kale hoos u dhacaan ayaana in badan sabab u ah in aanay farxadda guusha ku naalloon. Waana hubaal cabsidaasi in ay imanayso oo daraasado kala duwan oo la sameeyey ayaa dhammaantoodba daahfurtay in dadka guusha gaadhay badankooda uu hoos u dhac ku yimaaddo xirfaddooda ay magaca ku heleen nooc kasta oo ay tahay, hoos u dhacaas oo weliba ka soo degdeg badan sida ay dad badani u haystaan ama filayaan marka hore. Suurtagalnimada in qof da’da toddobaatanaadka ku jiraa uu la yimaaddo hal abuur iyo curin ay la mdi tahay iyada oo laga fisho qof da’da labaatanaadka ku jira, labaduba waxa ay u dhowyihiin in aanay dhici karin.

Ugu dambayntii qaladka ugu weyn ee ay dadka guusha gaadhaa galaan waa in ay ku fikiraan in guushoodu ay noqoto mid figta u sarraysa taagnaato waqti aan xaddidnayn, waa in qof kastaa isu diyaariyo hoobadka kana tabaabushaysto sida uu guushaas uu gaadhay midhaheeda uga dhigi lahaa kuwo waara, xitaa marka guushu hoos u dhacdo. Arrintan waxaa ka dhalanaya in maamulaha ama hoggaamiyaha guusha gaadha keenaa uu ku xisaabtamo in guushaasi ay noqoto mid midha dhalkeedu waaro, laakiin aanu waqti iskaga lumin arrinta aan suurtagalka ahayn oo ah in uu isagu weligii ahaado qofka figta sare guushaas la taagan.