6 Sababood Oo Guusha U Horseeday Bill Gates (1)

0
1149

Bill Gates waa ninka afaraad ee dunida ugu maalqabeensan sannadka 2021 ka, muddo dheer oo horena kaalinta koowaad ayaa uu kaga jiray liiska maalqabeenka adduunka. Waxa uu ku guulaystay in uu kaaalmaha hore kaga jiro dadka sababta u ah kacaanka teknoolajiyadeed ee dunida maanta ka jira, gaar ahaan dhinaca samaynta Barnaamijyada iyo tiknoolajiyadda xogta ee Information Technology loo yaqaanno. Maadaama oo uu horumarka yahay higsiga ruux kastaa habeen iyo dharaar ku riyoodo waxaa lagama maarmaan ah in waayoaragnimo iyo sahayda geeddiga horumarka laga raadiyo dadka hore u maray jidkaas. Sidaas awgeed qaab nololeedka, taariikh nololeedka iyo hannaanka maamul iyo shaqo ee dadka nolosha guusha ka gaadhay waxaa mar kasta ku jira casharro ay muhiim tahay in si dhugmo leh aynu u eegno.

Sannadkii 1975 kii ayaa Bill Gates iyo saaxiibkii Paul Alan ay aasaaseen shirkadda caanka ah ee Microsoft, muddadii dheerayd ee ay jirtayna waxa ay si joogto ah u samaynaysay horumar mararka qaarkood rumaysigeedu maskaxda ku adkaanayey.

Sideedaba Guushu ma’aha sida dadka qaar ku andacoodaan shay sabab la’aan isaga yimaadda iyo nasiib, balse waa midhaha dadaal dhinacyo badan oo la sameeyey.

Warbixintan waxa ay Shabakadda Alcarabiya ku eegaysaa dabeecado uu Bill Gates caan ku yahay oo khubarada horumarka naftu aaminsan yihiin in ay qayb ka yihiin sababaha guusha u horseeday Bill Gates:adad

Xiise

Bill Gates  tan iyo markii uu noqday arday fasalka Siddeedaad ee dugsiga ku jira waxa uu kalgacal dheraad ah iyo xiise xoog badan u qabay in uu helo teknoolajiyad cusub iyo barnaamijyo.

In aad guul ka gaadho shaqada ama hawshan aad haystaa waxa ay u baahan tahay in aad marka hore xiise iyo kalgacal u hayso hawshaas, si ay taasi ugu fududayso inaad dulqaad u yeelato dhibteeda iyo in aanad ka daalin dadaalka dheeraadka ah ee ay u baahan tahay.

Shaqada wax ka baro

Bill Gates waxa uu aaminsanaa tan iyo bilowgii shaqadiisa in qofka oo waxbarasho iyo aqoon u leh shaqada uu qabanayaa ay tahay jid guusha u dhoweyn kara. Waxa uu si gaar ah u aaminsan yahay in waqtiga ugu habboon ee uu qofku aqoon iyo waayoaragnimo u yeelan karo shaqadiisu ay tahay marka uu shaqaynayo oo uu waxbarasho ku dhex wado.

Taas macnaheedu waa in qofku aanu ku koobnaan in uu qabto waxa ay shaqada loo diray tahay, balse uu raadiyo aqoon dheeraad ah oo la xidhiidha si uu ugu soo kordhiyo wax ka maqan ama u xalliyo dhibaatooyinka ka hor iman kara, oo aanu mar kasta gurmad uga baahan. cid kale. Shaqadaada ka dhigo waxbarasho oo ku dadaal in inta laguu sheegay aad ku karto in kale oo sii qurxisa.

Go’aan qaadasho iyo ku dhac

Go’aan qaadashadu waa tallaabo aasaasi u ah geeddiga nololeed iyo guusha uu qofku raadinayo. Waa astaan geesinimo oo noloshu aanay ka maarmi karin.

Bill Gates waxa uu ka mid yahay dadka lagu tilmaamo ku dhiirrashada go’aan qaadashada iyo in ay leeyihiin ku dhac ama ku calool adayga tallaabooyinka uu qaadayo.

Go;aamada geesinimada leh ee lagu xasuusto Bill gates waxaa ka mid ahaa aasaaska shirkaddiisa TRAF–O–Data oo ka shaqaysa qiyaasta dhaqdhaqaaqa gaadiidka, iyo in ay warbixinno u diyaariso injineerrada dhaqdhaqaaqa jidadka.

Shirkaddan oo uu aasaasay isaga oo 17 sano oo keliya jiray waxa ay samaysay guul weyn oo wax badan ku soo kordhisay teknoolajiyadda dhaqdhaqaaqa gaadiidka, waxa aanay sees u noqotay shirkadda Microsoft oo saddex sano kaddib ay isu rogtay.

Bill Gates oo ka hadlayey muhiimadda ay go’aan qaadashada u leedahay ggaadhista guusha ayaa yidhi, “Si aad aad ugu faa’iiddo waa in aad marmar qaarkood aad isu miidaamiso”

Hagar bax

Shaqo kastaa ma dhammaystiranto haddii aanay helin maskax iyo maal loogu hagar baxo inta ay gaadhayso heer ay iswaddo. Waa ay adagtahay in guul ay hawaysato naf aan diyaar u ahayn in ay Waqti dheeraad ah iyo shaqo culays badan geliso mashruuca ay doonayso in uu guulaysto.

Bill Gates waxa uu ka mid yahay dadka lagu tilmaamo shaqo badnaan iyo u hagar baxa hawshan ay gacanta ku hayaan, waxaa u dheer in aanu shaqada kaga niyadjebin hagar daamooyinka iyo dib u dhacyada marar badan ka hor imanaya.

Waxaa tusaale dhow ah sannadkii 1980 oo shirkadda Microsoft ay gaadhi kari la’ay heerkii laga rabay, miisaaniyaddeeduna aanay ku filnayn in ay shaqaalaysiiso dad ku filan suuqgeynta iyo iibka waxsoosaarkeeda.

Bill Gates markii uu xaaladda arkay waxa uu iskaga tegey jaamacadda Harvard, si uu waqtigiisa oo dhan u geliyo kobcinta iibka shirkadda Microsoft. Xooggana u saaro wax soo saarka barnaamijyo dadka xiise geliya.

Ugu dambayntii Bill Gates waxa uu ku guulaystay in shirkaddiisu ay heshiis la gashi shirkadda IMP si ay u soo wada saaraan Barnaamijka Kombiyuutarrada gaarka loo leeyahay, taas oo noqotay bar biloga geeddiga guusha Bill Gates. Waxa aanay jidka u jeexday guushii mucjisada ahayd ee ay Microsoft gaadhay sannadkii 1990 kii markii ay soo saartay barnamaijyada office ka.

La soco…