Golaha Wakiilada Oo Maanta Codka U Qaadaya Guddiga Cusub Ee Doorashada Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
702

Hargeysa(Geeska)-Golaha wakiilada Somaliland ayaa la filayaa inay maanta codka kalsoonida u qaadaan 6 ka mid ah guddiga doorashooyinka qaranka. Xisbiga Waddani ayaa hore ula laabtay xubintiisa isagoo cabasho ka muujiyay xubnaha uu Madaxweyne Biixi soo magacaabay.

Guddiga arrimaha gudaha ee golaha wakiilada oo labadii maalmood ee u dambeeyay xog-waraysi la yeelanayay xubnahan ayaa maanta soo hordhigaya golaha wakiilada natiijada ay kala kulmeen xog-warankaas ay la yeesheen lixda xubnood ee ka mid ah guddiga doorashooyinka.

Codayntan maanta ayaa ah mid xaasaasi ah, waxaana si weyn ugu loolamaya xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo is huwan iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Xukuumadda iyo KULMIYE ayaa doonaya in la ansixiyo dhammaan xubnaha guddiga doorashooyinka, halka uu xisbiga Waddani oo hore ula laabtay xubintiisii uu soo magacaabay uu doonayo in golaha wakiiladu soo celiyaan Mr. Cabdirashiid Riyo-raac oo ay ku eedaynayaan inuu ka tirsanyahay xisbiga KULMIYE.

Si kastaba ha ahaate, waxa maanta loo wada dheg taagayaa natiijada codaynta ee xubnaha guddiga doorashooyinka oo banaanka soo dhigi doonta awooda iyo taageerada siyaasadeed ee ay wakiilada ku dhex leeyihiin xukuumadda iyo mucaaradku.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here