“Ma Qabno Inaad Doorasho Na Ammaahisay, Waxaanuse Qabnaa Inaynu Tartannay Oo Aynu (80,000) Ku Kala Badinay Oo Caddaalad Ahayd”

30
3408

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixix Cabdi, ayaa ka hadlay hadal uu sheegay guddoomiyaha xisbiga  WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Md. Biixi oo shalay hadal ka jeediyay xarunta wasaaradda caafimaadka oo uu booqday, waxa kale oo uu farriimo u diray qaar ka mid ah madaxda dhaqanka, isagoo sidoo kale iyadana soo hadal qaaday colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee deegaanka Dararweyne ee gobalka Sanaag.

Xisbiga Waddani

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu yidhi  “Xisbi kasta ahow oo wixii aad doonaysay ee horumar ah ayuun baan waddadeeda marayaa, haddii aan ka leexdo kii KULMIYE ahaa, kii WADDANI ahaa iyo kii UCID ahowba kalladhka isoo qabo oo sidaad leedahay I dheh waan kuu qabsoomayaaye. Guddoomiye Cirro laba goor buu hadlay oo maalini, maalintii uu yidhi waan oggolahay natiijada ayey ahayd, waxaana uu yidhi umaan tanaasulin ninkii aanu tartamaynay, umana aanu tanaasulin xisbigii aanu tartamaynaye qarankaanu u tanaasulay, waa sax haddii qarankii loo tanaasulay, laakiin bal dib u baadha qaamuuska siyaasadda oo haddii aanad qofkii kula tartamayey u tanaasulin, xisbigiina aanad u tanaasulin miyaad tanaasushay, ilayn dadkii badh baad ka tagtaye. Annagu waxaanu sugaynay in marka cadhadu degto, cadho waa la bariyaaye, inay xisbiga WADDANI iyo guddoomiyahoodu luuqad taas ka qabow ay umadda kula hadlaan, maalintii dhaweyd markii ay dhaceenna aniga oo idinka  idin ixtiramaamaya oo dadkii ii codeeyey oo kuwii aan ii codayn ixtiraamaya oo xaaladeena guud eegaya qofkii ugu horreeyey ee aan telefoon u diray markii uu dagaalka Darar-weyne dhacay waxa uu ahaa Cabdiraxmaan Cirro, waayo xisbiyada dadka hoggaaminaya oo inaynu qabyaaladda ka baxno weeye, mushkiladahana inaynu xallino weeye, aniga oo taas ka doonaya ayaan la hadlay, isaguna Boorama ayaan ku socdaa buu yidhi, anna soo dhakhsaan ku idhi masiibo weyn baa jirtee,  Boorama ayuu ka hadloo wuxuu ka bilaabay, ‘Walaalayaal doorashadii weynu helnay, laakiin KULMIYE ayeynu amaahinay’, anna waan dhegaystay, waxaan leeyahay haddii qaamuuska siyaasadda laga helo xisbi doorasho uu helay xisbi kale ammaahiyey waa mid igu cusube halla iisoo sheego, haddii aanu KULMIYE nahayna ma qabno inaad doorasho na ammaahisay, waxaanuse qabnaa inaynu tartannay, si caddaalad ahna tiradii la inoogu hubiyey oo aad ka dacwootay oo aad tidhi meelaha qaarkood halla ii baadho oo laguu baadhay oo ay idiin xannibnayd oo aanan ka hadal  oo la hubiyey oo aynu siddeetan kun oo (80,000) ku kala badinay oo ay caddaalad ahayd,”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi  “Waxa is-weydiin leh haddii uu maanta Cabdiraxmaan Cirro leeyahay haddii iyada oo siddeetan kun oo cod lagaga helay uu leeyahay waynu helnay oo waa la ina boobay oo uu weli xisbigii hoggaaminayo doorasho dambena uu ku noqon doono haddii uu tiro yar oo lagu murmo haduu keeno oo sideetan iyo toddobaatan ah hadduu keeno muxuu yeeli doonaa, illayn rag baa siddeetan iyo toddobaatan kaga tegaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Ugu dambayn wuxuu la hadlayaa madaxweyne Biixi xisbiga Waddani, waxaanu yidhi  “Xisbiga WADDANI waxaan leeyahay halkii baanu ka haynaa walaaltinimadii iyo qaddarintii, inta aynu wada leenahay aynu wada ilaashanno, inta aynu isku khilaafsanahayna waan idiin oggolahay, dhaliishana waanu oggolnahay iyo in aanu talada qaranka ee inaga dhaxaysa aanu idinkala tashanno, haddaad noo garan weydaanna aad dadka u sheegtaan, haddii aad qalad nagu haysaan aad dadka u sheegtaan, iin iyo gefna naga waayi maysaan oo bani’aadam baanu nahay, mucaaradaddana waxaynu u samaysannay inay toosiso ka xilka haya, umana aynu samayno inaynu colaad uun dadka ku hayno.”

Madaxda dhaqanka

Madaxweynuhu, waxa kale oo uu la hadlay madaxda dhaqanka qaar ka mid ah waxaanu yidhi “Ragga maanta cumaamadaha saydhinaya ee ina Suldaan Hebel iyo ina suldaan hebel ahow, suldaankii ku dhalay, kii kaa horreeyey iyo Awoowgaa samaan bay talin jireene dagaal may oogi jirin, hadal fidno lehna may tuuri jirin, saasayna sharaf ku lahaayeen, idinkuna ku yeelan maysaan sharaf hadal siyaasi ah oo aad dadka ku kicisaan iyo tolla’ayeey waan dagaallamayaa iyo beel baan u qabanayaa shir salaadiin kuma noqonaysaane fidmo-wadeyaal baad noqonaysaan, waana codsi oo haddii suldaankiina dagaal iclaamiyo, kii yaraana qori la cararo waa waali, sidaasna ku socon mayno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Colaadda Dararweyne

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi waxa uu mar kale ka hadlay shaqaaqada beelaha walaalaha ah ku dhexmaraysa deegaanka Darar-weyne ee koonfurta gobolka Sanaag, waxaanu  ku baaqay in gacmaha la isu qabsado sidii dhibaatadaas loosoo afjari lahaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maalmahan waxa dhibaatadoodu ina soo gaadhay oo uu dhaawacoodu yaallaa Laba beelood oo walaalo ah oo isku laynaya Ceel  Af-weyn, dagaalkaasina wax  alla iyo wax uu u socdo garan mayno, qof garan karaana ma jiro, kala guuri maayaan oo isu tudhi maayaan, waa inan iyo Abtigii, isu seeddi, habar-wadaag, iyaga uun baana kala guursada, nasiib-darro wixii dhibaato ina soo martay waligay maan arag dhexdeena lix saacadood gudahood konton qof oo dhimasho iyo dhaawac ah, in PKM dabada la isu qabtaa wax la qaadan karo ma aha, xataa haddii la is dilolna tudhaale ayaa jira, waxaana ay u baahan yihiin inaynu qabanno, shaydaan baana ka adeegay oo waa masiibo qaran, dhammaanteenna waxaan soo jeedinayaa inaynu isugu tagno oo aynu gacmaha ka xidhno oo aynu hubka ka qaadno, dhammaanteenna waynu isugu tegaynaa oo miyirka ayeynu kusoo celinaynaa.”

Ugu dambayn wuxuu Madaxweyne Biixi farriin u diray shacabka, waxaanu yidhi, “Somaliland oo dhan waxaan ka codsanayaa inaynu dedaalka wada galno oo aynu kooda odayga ah qabanno aynu nidhaahno caqli baad leedahay, kooda taajirka ah qabanno, ka abaabulaya ee tollo’ayeeyda haya qabanno oo aynu fidnadaa gacanta ku wada qabanno mooyaane tallo kale oo maanta inoo taallaa ma jirto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here