Dab Iyo Cadho

30
4019

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 10aad)

Marka uu u baahdo in hawl la riixo, ma’ay jirin cid ka tirsan guddigan (RNC) oo hawshaas qabanaysay. Dooddaasi waxa ay ahayd sheekada ay Conway u isticmaalayso in ay sabab uga dhigto guuldarrada ay filaysay in Trump uu doorashada kala kulmayo, si aanay iyada shaqadeeda mustaqbalka saamayn ugu yeelan. Si kastaba ha ahaato ee waxaa muuqatay in markan uu ol’olihii si dhab ah uga soo joogsaday godkii madoobaa ee uu ku sii dhacayey.

In kasta oo Conway marka la soo hadal qaado Trump ay indhaha leex-leexin jirtay, ama ay si bilaa xiise ah qofka u eegi jirtay, haddana runtu waxa ay ahayd in eedda guuldarrada aanay iyadu kelideed yeelanayn. Waxyaabo badan oo hawsha caawin lahaa, ayaa aan u dhammaysitrnayn kooxda ol’olaha, waxaa intaas u dheeraa in murashaxa ay wadaan uu yahay kii ugu xumaa inta laga ogyahay taariikhda casriga ah ee siyaasadda.

Conway, oo aan weligeed ku shaqo yeelan ol’ole heer qaran ah, marka ay ugu dhoweydna ay ahayd, mar ay Trump hortii si kooban uga shaqaysay shirkad codadka u soo ururisa murashaxiinta, ayaa fahansanayd in doorashada kaddib, ay noqon doonto, mid ka mid ah codadka hormuudka u ah talefishannada garabka muxaafidiinta ee xisbiga Jamhuuriga.

John McLaughlin oo ka mid ahaa dadka sida gaarka ah ula socday ol’olaha Trump, ayaa qiyaastii toddobaadkii u dambeeyey [Ol’olaha] waxa uu sheegayey in tirada codadka goballo muhiim ah oo markii hore aan lagu niyadsamayni, ay hadda isu beddelayso si u dan ah Trump. Laakiin Conway iyo Trump laftiisa, iyo xitaa wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushner, oo ahaa maamulaha firfircoon ee ol’olaha, ama aynu nidhaahno, waxa uu ahaa ruuxa qoysku u magacaabay in uu dusha kala socdo sida ol’olaha loo maamulayo, midkoodna hadalka McLaughlin waxba kama uu beddelin hubaashoodii guuldarrada; waxa ay u arkayeen in is-miidaamintoodii lama filaanka ahayd, ay dhaqso u soo afgo’i doonto. Steve Bannon oo keliya, oo sidiisii u soo foolxun, ayaa la soo taagnaa in ay guulaysan doonaan. Laakiin waxa uun loo arkayey fikirka Bannon, oo loo yaqaannay nin waalan. Waxa aanu ahaa fikir aad uga soo horjeedday sidii dadku u arkayeen in ay hubaal tahay.

Qof kasta oo ol’olaha Trump ka mid ahaa, in kasta oo aanay tiradoodu badnayba, waxa uu u haystay in ay yihiin koox aragti furan oo ka indheergaradsan cid kale oo kasta oo siyaasad ka shaqaynaysa. Waxa keliya ee ay heshiiska aan afka laga sheegayn ku ahaayeenna ma’ uu ahayn, ‘Trump miyuu waayi doonaa madaxweynenimada?’ balse waxa uu ahaa, ‘Trump ha waayo madaxweynenimada’.

Markii ol’olihii uu dhammaaday, Trump [Guul kama uu fikirayn, oo taas maba uu filayn] waxa se uu ku niyadsamaa in uu ka badbaaday cajaladdii fadeexadda ahayd ee Billy Bush, oo aanay intii ol’olaha galaafan. (Billy Bush oo ah barnaamij soo saare ka tirsan qoyskii reer Bush ee labada madaxweyne ee hore ka dhasheen, ayaa xilligii ol’olaha helay cajalad 2005-tii laga duubay Trump oo ku hadlaya ereyo dhaqan xumo ah, xilli uu joogay munaasabad, isaga oo aan ogeyn in sameecaduhu ay shidan yihiin), cajaladdaas markii la baahiyey, sababtay in guddiga qaran ee xisbiga Jamhuurigu ay sii kordhiyaan cadaadiskii adkaa ee ay Trump ku hayeen, si uu uga hadho tartankii xisbiga dhexdiisa ee loogu soo baxayey murashaxnimada madaxweynaha.

Agaasimihii FBI, James Comey ayaa si lama filaan ah u daldalay Hillary Clinton, markii doorashadii oo ay kow iyo toban maalmood ka hadhsan yihiin, uu ku dhawaaqay in uu dib u furayo baadhitaannadii la xidhiidhay dhambaalladii shaqada ee ay email-keeda gaarka ah ka dirtay, isaga ayaana caawiyey in ay gaadhi weydo guushii ballaadhnayd ee la filayey.

“Waxa aan noqon karaa ninka dunida oo dhan ugu caansan,” ayaa uu yidhi Trump oo bilowgii ol’olahan la hadlayey gacanyarihiisii uu marna eryi jiray marna soo celin jiray ee Sam Nunberg. (Isaga oo u jeeda in aanu guulaysan doonin laakiin murashaxnimada iyo tartanka uu magac weyn ku heli doono) “Laakiin ma doonaysaa in aad madaxweyne noqoto?” ayaa uu weydiiyey Nunberg. (Waxa ay ahayd su’aal duurxul ah oo marka si kale loo dhigo uu uga jeeday, “Maxaa aad u doonaysaa in aad madaxweyne noqoto?”). Nunberg jawaab uma uu helin su’aashiisa. Runtuna waxa ay ahayd in aanay su’aashaasi jawaab u baahnayn, waayo Trump maba uu doonayn in uu madaxweyne noqdo.

Roger Ailes oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen Trump, waxa uu jeclaa in uu yidhaahdo, “Qofka doonaya in uu shaqo ka helo talefishan, marka hore waa in uu u tartamaa madaxweynenimo. (Si marka uu dhaco, laakiin magaciisa la barto uu talefishannada caanka ah shaqo uga raadsado) Imika Trump, oo dhiirrigelin ka helayey saaxiibkiisan Ailes, ayaa faafinayey warar la xidhiidha in Trump uu dad badan ku xidhanyahay iyo in uu mustaqbal weyni sugayo.

Trump waxa uu saaxiibkii Ailes u sheegay in ol’olahan uu ka soo bixi doonaa, isaga oo helay awood ganacsi oo intii hore ka sii badan iyo fursado aan la sheegi karin. “Waa ay ka weyn tahay, wixii aan ku riyoonayey abid,” ayaa uu Trump ku yidhi Ailes oo ay sheekaysteen toddobaad keliya ka hor doorashada. “Anigu kamaba fikirayo guuldarrada igu dhacaysa, waayo guul darro laguma sheegi karo. Waa aanu guulaysannay” Waxaa intaas dheer in Trump uu sii diyaarsaday sababta beenta ah ee uu taageereyaasha u sheegi doono marka uu guuldarraysto doorashada, taas oo ahayd, “Waa lagu shubtay!”

Donald Trump iyo dagaalyahannadiisii ol’olaha ee tirada yarayd, waxa ay diyaar u ahaayeen in ay guuldarradoodu dab iyo cadho dhaliso. Diyaar uma’ay ahayn in ay guulaystaan.

***

‘Siyaasadda cid ayuun baa guuldarraysata’, laakiin marka hore qof kastaa waxa uu fishaa in uu guulaysan karo. Caadi ahaanna ma’ guulaysan kartid illaa aad marka hore ku shaqayso in aad guulaysanayso. Laakiin waxa uu ol’olaha Trump ku suntanaa, waxa uu ahaa dookh xumada iyo sida qof kasta oo ku lug lahaa ol’olihiisu uu u fashilnaa. Isaga laftiisa ayaa sidooda oo kale ku qanacsanaa in dadka Hillary Clinton la shaqaynayaa ay ahaayeen guulaystayaal heersare ah. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here