“Dagaalka Labadan Beelood Baaq Uma Baahna Ee In Ciddii Heshiiska Jabisay Gacan La Saaro Ayey U Baahan Tahay”

47
3503

“Dagaalka Labadan Beelood Baaq Uma Baahna Ee In Ciddii Heshiiska Jabisay Gacan La Saaro Ayey U Baahan Tahay”

Hargeysa (Geeska)-Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay dagaalka dhexmaray labada beelood ee wada dega deegaanka Dararweyn, ee Degmada Ceel-afweyn, waxaanu sheegay in xukuumaddu doorkii looga baahna aanay ka gudan, isagoo tilmaamay in loo baahna inay xukuumaddu talaabo ka qaado cidii jabisay heshiiskii laga soo saaray dagaalka labadan beelood.

Xuseen Axmed Caydiid oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin aan looga baahnayn in isagoo Hargeysa jooga uu baaq nabadeed u diro labada beelood ee looga baahnaa inuu tago goobtii ay dhibaatadu ka dhacday, isla markaana uu si toos ah u fuliyo heshiiskii ay Xukuumaddii hore ka soo saartay dagaalka labadan Beelood, waxaanu ugu horeyn yidhi    “Dagaalka labadan beelood dhexmaray baaq uma baahna ee in cidii heshiiska jabisay gacan la saaro ayey u baahan tahay, Beelahan, Beelo maanta isku dhacay oo isku cusub maaha, heshiis baa dhex yaalay ee heshiiskaas ayey ahayd wixii uu qoraayo in lagu qaado oo cidii jabisa gacan bir ah ayaanu ku qabanaynaa bay ahayd in la yidhaahdo, laakiin inay Beeluhu u sinaadaan eedda may ahayn, in imika la yidhaahdo kii is dhaqaajiya ayaa talaabo laga qaadayaa, maaha ee kii is dhaqaajiyey maxa talaabo looga qaadi waayey, waxa cad oo muuqata in doorkii Xukuumaddu meesha ka maqan yahay,  Labada beelood inuu Ciidanka Qaranku kala dhex galo waanu ku hambalyeynaynaa, oo dagaalkii mar dambe ayaa la joojiyey oo Ciidanka kala dhex galay, laakiin muhiimadu waa in wixii xumaaday cidii xumaysa laga daba tago oo lagu fuliyaa heshiiskii meesha yaalay, oo heshiis hore ayaa meesha yaalay, ee haddii la doonayo in heshiiskaasi noolado waa in la fuliyaa oo cidii jabisay wixii uu heshiisku qoraayey laga maraa”.Xuseen Axmed Caydiid mar uu ka hadlaayey wasiirka Arrimaha Guddaha ayaa yidhi “Wasiirka Arrimaha gudduhu baaq nabadgalyo ah ayuu caasimadda ka diray, ee wasiirka arrimaha guduhu may ahayn inuu Hargeysa baaq nabadeed ka diro ee inuu goobta tago ayey ahayd oo uu hawsha hoggaamiyo oo uu fuliyo heshiiskii Xukuumadda Kulmiye hore u gaadhay, oo ka fuliyana uu noqdo ayey  waajibkiisa ahayd, iyadoo dad dhinteen dad badana dhaawacmeen, Wasiirka Arrimaha Guddaha oo Hargeysa baaq ka diray wax cuntamaya oo meesha yaala maaha”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here