Dawlada Uk Oo Si Cad U Sheegtay In Ay Aqoonsantahay Xuduudihii Xoriyada Ka Hor Ee Somaliland Iyo Somaaliya Oo Kaliya

0
320

Hargeysa (Geeska) Dawlada Somaliland iyo somaaliya ayaa wada-hadal u socday, laga soo bilaabo sanadkii 2012. Wada-hadalka Somaliland iyo somaaliya ayaa salka ku hayey ka dib gooni isu-taagii Somaliland qaadatay sanadkii 1991 kii, kaas dadwaynaha Somaliland xoriyadoodi kala noqdeen Midowgii koonfurta Somaaliya sanadkii 1960kii.  Hadaba, iyada oo lagu jiro wada-hadaladda u dhaxeeya Somaliland iyo Somaaliya aya waxa qarxay dagaalkii gobolka sool, salkana ku hayey arimo siyaasadeed iyo kuwo tabashaba. Dagalkii ka dib, waxa degaanka Laascanood laga dhawaaqay maamulka SSc-khaatumo, kaas oo lagu sheegay in aanu ka tirsanayn Somaliland iyo Puntland toona. Sidoo kale waxa halka lagu soo saaray siyaasad maamul, taas oo lagu sheegay in go’aanka isimada Dhulbahante lagu gaadhay in aan maamulka ssc-khaatumo ka tirsanayn Somaliland iyo Puntland midkoodna, danaha degaankana ay matalayaan maamulka loo doortay oo si ku meel gaadha u hoostagaya Dawlada Somaaliya.   Dhanica Dawlada Somaaliya ayaa wasiirka Arimaha Gudaha Somaaliya ku qaabilay Hogaanka khaatumo magaalada xamar, kaas oo sheegay in dawlada somaaliya siisay khaatumo laba sano oo ku meel gaadha, lana shaqaynayso.

Haddaba, Siyaasadda Dawladaha Somaaliya ka taagera dawladnimada iyo arimaha horumarka iyo amniga, gaar ahaan UK  ayaa u arkay in dawlada Soomaaliya ay ku talaabsatay arin sii kala fogaynaysa waan-waantii laga dhex-waday waqooyi iyo koonfur. Wararka diblimaasiyadeed ee wargayska-geeska Afrika ka helaayo arimahan ayaa u cadaynaya in dawlada UK ay dhawaan dawlada somaliya ka saxeexdeen qorshaha geedi socodka somaaliya kaas oo inta badan lagu soo koobay lix arimood. Sida laga soo xigtay kulamadii Safiirka Dawlada UK ee Puntland iyo Dawlada Somaaliya ayaa sheegaya in qodobaddan lagu war-galiyey ahna ajendaha geedi-socodka siyaasadeed ee UK, kuwaas oo ah ;  Qaadista xanibaada hubka ee Soomaaliya, taas oo UK ka soo shaqeysey.

Barnaamijka DEYN CAFINTA oo isla  sanadkan ama bilowga 2024 la dhamaystiraay.  Qabyo-tirka dastuurka cusub ee Soomaaliy, waxaa si weyn u taageersan dowladda UK oo dhaqaale ku bixisey  Heshiiska SSC iyo Somaliland  Dib u bilaabidda wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland iyada oo lagu salaynaayo Istraatiijiyadda Koonfur iyo Waqooyi.  Al-Shabaab oo lala furo wada hadal nabadeed galkaas oo mar dhaw loo gacan-geliyey dowlad carbeed. Sidaa awgeed, si xal-buuxa looga gaadho arimaha cakiran ee u dhaxeeya Somaliland iyo somaaliya waxa muhiim ah in horta xal laga gaadho khilaafka u dhaxeeya Somaliland iyo gobolka sool ama Dhulbahante. Somaliland ayaa leh xuduudo ay ku wada jiraan dhamaan wixi 1960 kii midnimadda ugu biiray goboladda koonfureed ee somaaliya. Xal u helida khilaafka siyaasi ee u dhaxeeya Somaliland iyo khaatumo wuxu fure u noqonayaa in la galo wada-hadalka Somaliland iyo Somaaliya, madaama laascanood ay ka tirsan tahay goboladii waqooyi ama Somaliland.  Ugu Dambayn wararka arintan ku saabsan ayaa sheegaya in dhawaan Dawlada UK iyo Dawladaha taageersan xal u helida arimahan ay kulamo diblamaasiyadeed la yeesheen Somaliland, Puntland, Somaaliya iyo Hogaamiyaha Firdhiye. Kulamadan ayaa ilaha xogogaala sheegayaan in lagu iba furaayo arimaha siyaasadeed iyo amni ee hada ka taagan Laascanood iyo Somaliland.  Sidan ka soo xiganay ilo wareedyo diblumaasiyadeed, UK oo haysa arimaha siyaasada  Soomaaliya ayaa u sheegtay todobaadkii hore dhinacyada DFS, Puntland iyo maamulka Khaatumaba, in la ilaaliyo arinka xuduudaha ee xiligii xoriyada , qadiyadana ay wada hadlo uga socdaan Muuse Biixi iyo Xassan Sheekh, Dawlada UK na   dhankooda ay taas taageerayaan”

Waxa Iyana arimahan ka fal-celiyey Hogaamiye firdhiye, isaga oo fagaaraha buhoodle bulshada kula hadlaya ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay si cad ugu badheedhtay inay kasoo horjeedaan jiritaanka Khaatumo.

Hadalka Firdhiye oo u muuqday midka fog hanaanka diblumaasiyadeed ee lagu wada hadlo ayaa u dhignaa sidan ;
“Doorka Dawladda Ingiriiska ay ka leedahay arimaha khaatumo waa mid kasoo horjeeda qadiyaddeenna. Way noo badheedhay oo ay noo sheegeen inaanay ogoleyn SSC Jiritaankeeda ,”

Ugu dambayn, Dawlada ingiriiska iyo Dawladaha ka taageerya somaaliya horumarka ayaa mar-walba ka eegaya sidii xalka lagu gaadhi lahaa somaaliya iyo Somaliland. wadamadan ayaa u muuqda in ay mar-walba hor imanayso xaqiiqda, dhuleed, taariikheed iyo degaan ee ka dhaxeeya bulshooyinka Somaliland iyo Koonfur, taas oo sal u ah in xal waara lagu gaadho Umadda somaaliyeed. Dawlada Uk ayaa marka hore ku dadaalaysa in ay qayb-ka noqoto xal u helida arimaha colaadeed iyo siyaasadeed ee u dhaxeeya Somaliland, ka dibna looga gudbo arinta Waqooyi iyo koonfur.