“Ma Jirto Wax Warqad Ah Oo Weli Na Soo Gaadhay”Guddoomiyaha golaha guurtida

0
636

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in aan wali loo soo gudbin heshiiskii ay isku afgarteen  Xisbiyada, Komishanka iyo Madaxweynuhu ee ku saabsanaa in Doorashada dib loo dhigo toddoba bilood madaama ay abaari jirto, waxaanu sheegay in markay soo gaadho ay go’aan ka gaadhi doonaan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa, ayaa ugu horeyn isagoo ka jawaabay soo jeedinta Xisbiyada ee dib u dhaca Doorashada ayaa yidhi “Xaq bay u leeyihiin inay wax soo jeediyaan, Golahana waa la hor keenaya, maxaad uga deg degaysaan Golaha, suga Golaha”.

Guddoomiyaha Guurtida mar wax laga weydiiyey in muddo kordhinta lagu heshiiyey ay soo gaadheen Golihiisa ayaa ku jawaabay “Wali waxba namay soo gaadhin, marka na soo gaadho ayaanu ka talin”.

Mar wax laga weydiiyey sida uu arko hadal dhawaan uu sheegay Faysal Cali Waraabe oo ahaa haddii wax ka badan Guurtidu ku darto, mudada lagu heshiiyey inay Shacabka ku soo kicin doonaan ayaa yidhi “Shacabku waa kaanu matalno, haddii Shacabku balo dhacday, waxay ila tahay Guddoomiye Xisbina na daawan maaye, malaa wuu kaftaamayey”.

Guddoomiyaha Guurtida mar wax laga weydiiyey abaarta jirta iyo todobada bilood ee Xisbiyadu ku heshiiyeen in la kordhiyo ayaa yidhi “Abaartu haddii ay jabto Doorashada waa la galayaa, haddii ay jabi weydo ILLAAHAY ha inaga jabiye, waxbaba inaga hadhi mayaane, ILLAAHAY abaarta ha inaga jabiyo, wakhtigaas haddii Gu’ fiicani dayo waa laga gaadhsiinayaa”.

Guddoomiyaha Guurtida mar wax laga weydiiyey in Doraad ay kulmeen Madaxweynaha ayaa yidhi “Waar Shalay (Doraad), cidna maan arag, xittaa Xafiiska maan iman, Suuqayga ayaan galay “.