Dib U Habaynta Mashruuca Biyo Ballaadhinta Hargeysa Eng. Cali Haybe Maxamed

0
856

Ku:  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Ka: Ing. Cali Haybe Maxamed

“Waxaan maanta (Shalay) jariiradda Somaliland Today ka akhriyey in mashruucii biyo ballaadhinta Hargeysi uu istaagay , Hay’adihii maamulayayna iyo deeq bixiyeyaashii ay meesha ay ka baxeen. Waxa is weydiin leh waxaa tallaabo looga qaadi waayey marka khubarada talo qoran soo jeediyaan, khubarada biyaha ee reer Somaliland ee ku waajahan in hay’adda wax loo dhiibtay ahayn tii ku haboonayd warqado badana khabiirada biyuhu ka qoreen. Su’aashu waxa ay tahay maanta sidii xal degdeg ah looga gaadhi lahaa. Waxa kale oo xusid mudan in la is weydiiyo  meesha ay ku danbeeyeen injineeradii iyo wakaaladdii horumarinta Somaliland iyo qalabkoodii. Waxa kale oo jiray in biyaha aynu maanta cabbaynaa ee shiinuhu sameeyey iyo Injineer Cali Haybe oo ka madax ahaa lagu dhameeyey saddex sano oo kaliya (1971-1974}