Sicir Bararka Iyo Sawaxanka Bulshadda Qore: Yuusuf Goodir Maxammed

0
997

Waa wax caadiya in dawladuhu la kulmaan dhibaatooyin, xalintooduna waa qayb ka mid ah sababta loo samaystay. Waxa run ah in dawladuhu u jiraan ilaalinta nolosha bulshadda. Labada dhibaato ee ugu waawayn xaga dhaqaaluhu waa shaqo la’aanta iyo sicir bararka. Sida lagu yaqaan xiliga dhow (short-run) waxay u kordhaan si isku lid ah, marka shaqo la’aantu korodho, sicirku hoos buu u dhacaa. Haddii ka danbe kordhana macneheedu waxaa weeye shaqo la’aantu aad bay u yaraataa. Si kale haddaan u idhaahdo shaqo la’aan baahsan sida Somaliland, waa in sicirka alaabooyinka iyo adeegyaduba aad hoos ugu dhacaan.

Maxaa dhacay haddaa? Hanaanka dhaqaaleheenu u abyan yahay waa mid aan hufnayn (unstructured.) sidii loo abaabulayay hanaankeena dhaqaale tan iyo intii aynu la soo noqonay xornimadeenii waxay ahayd mid aan hawl kar (efficiency) ahayn.

Mar qudha ayaynu ku baraarugnay abaar baahsan, sicir barar iyo shaqo la’aan aynu hayin u noqonay, Abwaan Gaariye Allow u naxariiso, wuxuu yidhi,

Maalintay ildaran tahaybay Illaah leedahay Caynsha; waynu baryaynaa… amiiiiin

Sicir bararka marka laga hadlayo waa in la sheegaa:

Boqolkiiba inta uu kordhay

Sababta kordhisay

Iyo sida loo xalinayo

Si waydiimahaa looga war celiyo waa in la adeegsado cilmi baadhis (research), kana madax banaan cid kasta oo ay khusayso. Markaynu u soo noqono hanaankeena dhaqaale oo aan u aqaan shisheeye bile (an excellent foreign consumer), sicir bararkeena maxaa keenay? waxaa lagu sharxay:

lacagta doolarka oo wax lagu iibsaddo;

qaadka oo lagu qaadan jiray birta Itoobiya oo imika lagu qaato doolar;

lacagta hawada (mobile money);

Xoolihii oo la joojiyay;

lacagtii xawaaladaha oo yaraatay;

haddiiba cilmi baadhis lagu samayn lahaa waxay inoo iftiimin lahayd midkastaa inta uu kordhiyay. Aynu ku eegno aqoonta cilmiga dhaqaalaha. Ka buuxso, haddii shay aad loo doono qaalibuu noqdaa, haddii uu aad u batana wuu jabaa. Beri baan  warsaday islaan riyo galay iyo hadhuudh midkood u daadinaysay. Ugu danbayntii waxan waydiiyay waxay qabato, waxay ii sheegtay in ay iibiso labadaa shay midkood. Suuqa ka waran baan idhi, waxay iigu war celisay in qiimeheedii hoos u dhacay; waayo? Hadalkeedii waxay ku soo gunaanaday in imika suuqa dad intii hore ka badani keenaan. Islaantu waxay fahamsanayd qaanuunka aynu kor ku xaradhnay ee loo yaqaan qaanuunkii doonista iyo keenista (the law of demand and supply.) Qodobka koowaad wuxuu hoos u dhigay doonistii lacagta Somaliland, wuxuuna kor u qaaday doonistii doolarka. labaduba qiimihii doolarka kor bay u qaadeen.

Qodobka labaad isna doonistii doolarka ayuu sii kordhiyay, markaa qiimihii doolarku korbuu u sii kacay. Qodobka sadexaad lacagta hawadu waxay hoos u dhigtay doonistii lacagteena, taas oo keenaysa qiimo dhac. Qodobka afraad haddii xoolihii aynu debedda u iib gayn jiray la joojiyo doolarkii aynu ka heli jiray ayaynu waayaynaa, doolarkii ayaa yaraaday (shortage) qiimihiisu kor buu u kacayaa.

Qodobka shanaad haddii lacagtii xawaaladuhu yaraatay keenistii doolarka ayaa yaraatay (shortage), dabadeed waxaa kor u kacaya qiimaha doolarka. Eeg shaxankan, dhinaca midig shantii qodob oo aan soo gaagaabiyay:

wwwwwwwww

Sicir bararkan laga qayliyay muddo intee le’eg ayuu ku sinaa? Lacagtii xawaaladaha lagu diri jirayse ma isdhintay?  Imika xiligan abaarta debeddaha lacagaha laga soo dirayay way bateen, markaa sidee ayuu ku yimi isdhinku?.

Arinta xawaaladaha waxaa jirta aragti tilmaamaysa in isbedel ku imanayo dadkeenii debedaha oo dadkii dalka iyo dadkaba yaqaanay ubadkoodii bedelayo, kuwas oo xagaa ku barbaaray, sidaas daraadeedna, ay yaraanayso lacagta xawaaladuhu. Artintaasi waxay la xidhiidhaa xiliga durugsan (long-term), samayn dhowna kuma laha sicir bararka. Ta tix gelinta mudani waxaa weeye jiritaanka xawaaladdo yar-yar oo adeegsada ku dirista elegtarooniga. Si kastaba ha ahaatee arinta xawaaladda waynu ka saaraynaa falanqaynteena.

Afarta qodob ee aynu kor ku soo sheegnay raadka ay yeelanayaan waa in doolarku kor u koco shan siyaabood. Taasi sidee bay u samaynaysaa sicir bararkii, kan imika ay qayladiisu kacday sidee baynu ula xidhiidhinaynaa? Tusaale ahaan, lacagta hawada mudo dheer ayaa la adeegsanayay, sidaa daraadeed, sabab uma aha qayladan hadda taagan. Sidoo kale doolar ku iibsiguna isna muddo dheer buu socday oo lama odhon karo qayladan taagan ee sicir bararka taas baa kicisay. Dhacdadan hadda taagan waxa aloosay qodobka labaad iyo afraad. Laakiin, muddo dheer ayuu soo jiitamayay hoos u dhaca shillinka Somaliland, tusaale ahaan cabasho sicir barar ayaa jirtay Octobar 2014 iyo weliba  Juun 2016kii  iyadoo ka danbe madaxwaynuhu guddi u saaray, xiligaasna qodobka labaad ma taagnayn. Xili ku beegan Julaay 2014 Sacuudigu Berbera wuxuu ku soo celiyay laba markab oo lo’ ah. Taas oo muujinaysa in cabashadaa hore ay xidhiidh la lahayd xooleheenii oo la soo celiyay. Mana aha mid yaab leh, waayo xooluhu waa kuwa dhaqaaleheenu ku tiir san yahay.

Raad intee le’eg ayay ku yeelan kartaa lacagta hawadu sicir bararka? Saddex siyaabood. Mid waa ka aan kor ku soo sheegay ee uu hoos u dhigay doonista lacagteenii. Ka labaad waa soo dhawaynta  (money velocity) xiliga kala iibsiga. Ka sadexaadna inagu lacag hawo ah ayaynu wax ku kala iibsanaa, maxaa ku dhaca lacagteenii! Laba mid bay noqon kartaa in shirkaduhu ku muraadsadaan, cilmiga dhaqaalaha waxaa loo yaqaan kordhinta lacagta (increasing money sapply) waa keenistii oo kor u kacday. Sideedabana kordhinta lacagta waxa mudnaanta leh baanka dhexe. Arintaasi qayb wayn ayay ka noqonaysaa sicir bararka.  Haddiise shirkadaha lacagta hawada maamulaa cadeeyaan in ay 90% hayaan lacagtii waraaqaha ahayd waxay meesha ka saaraysaa in aanu qodobkan lacag badintu keenin sicir barar.

Aynu isku xidhiidhino hoos u dhaca lacagteena iyo kor u kaca doolarka oo dhinac ah iyo sicir bararka. Hanaanka dhaqaaleheenu u abyan yahay waa ku tiirsanaanta alaabo soo dejinta (imports.) Alaabadaa waxaa lagu soo iibinayaa doolarkii kor u kacay shanta siyaabood. Dadka dakhligooda ku hela Sl. Sh. Waxaa samaynaya sicir barar ka imanaya lacagteenii oo laba siyaabood hoos ugu dhacday iyo weliba doolarkii oo saddex siyaabood kor ugu kacay.

 Maxaynu ku furdaaminaa? Laba siyaabood, xiliga dhow iyo ka fog. Ka danbe waxaan uga tegayaa xisbiyadda ku tartamaya hogaaminta. Ka dhow,

waa in la joojiyo dhamaanba kharshiyaadka aan ahayn mushahaarooyinka iyo wixii soo raaci kara xiligan abaarta iyo sicir bararku jiro;

 waa in ay geed ka go’an noqoto meel marinta isticmaalka lacagteenu, qaran waxa ceeb ugu filan in wadankiisa lacag shisheeye wax lagu kala iibsado;

in cashuurta lagu kordhiyo qaadka, gaar ahaan haddii ay sii wadaan wiiqista shilinka Sland;

Xog uruurin iyo dabagal.

email:

ygoodir2016@hotmail.com