Waddani Iyo UCID Oo Ka Hadlay Mudaraadkii Shalay Ka Dhacay Caasimada Hargeysa

5
985

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Madasha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka, Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhaliilay cashuur kordhinta booyadaha biyaha iyo gaadiidka xamuulka qaada.

Mujaahid Guure, waxa uu Madaxweynaha xasuusiyay balanqaadyadii dhanka biyaha ee shacabka u qaaday wakhtigii uu mucaaradka, waxaanu su’aallo iska waydiiyay balanqaadyadaas iyo xaaladda Madaxweynuhu uu hada ku sugan yahay.

Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Somaliland, Xasan Guure Jaamac, oo xalay u waramayey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale sheegay in dadku difaaci doono wixii uu xaq u leeyahay “Waynu ogayn maalmahanba wixii ka socday Hargeysa, waxaasina waa midhihii talada dawladda maanta joogta, masuulku waa inuu marka hore caqli yeesho oo uu garto dhibta soo socota ama marka dadku wax u sheego uu gartaa, arintoodii waxay noqotay wan weyn ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan, ilaa ay halkaas gaadho in aanay dawladeenu dhug u lahayn ayaad moodaa, dadkuna xaq ayay u leeyahiin inay arimhooda difaacdaan, waanay ku hagaagsan yihiin wixii ay xaq u leeyahiin inay diidaan oo ay ka hor yimaadaan. Waxaad moodaa dawladu had iyo goor in aanay waxba dadka iskaga tirin, go’aankay doontana way iska gaadhaysaa, waxaanad moodaa ciidamadan ay soo dirayaan inay talada goynayaan, xalka u weyn ee ay sameeyeen waxay ahayd inay qolyaha booyadaha kala qabiyaan oo ay qaar laaluushaan,oo ay yidhaahdaan qoladaas maahee qoladaas ayaa wada oo ay dadka isku tilmaamaan, markii dambana ciidamo ayaabay soo direen, haddaba dawladdu ha ogaato in aan taladu siday doonayaan ahayn ee dadku uu leeyahay xaq, xaqiisana uu difaaci karo. Intii ku dhimatay cabashadaas waanu tacsiyadaynaynaa, intii ku dhaawacantayna Alle caafimaad ha siiyo. Waxan socdaana waa taladii Madaxweyne Siilaanyo iyo tacabkii qoladan lacagta uun urursata ee wasiiradiisa ah”.

Mujaahid Xasan Guure oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaynu ognahay arrimaha warbaahinta madaxabanaan sida uu uga hadli jira Madaxweynuu, qof la xidhay oo aan maxkamad la gayn iyo sida uu uga hadli jiray ciidamadu sida ay mudaharaadayaasha ula dhaqmaan, waxaas oo dhan markaad eegto laba qodob mid ahaan ayuunbay noqonaysaa, Madaxweynuu ama ninkii aynu naqaanay ee shalay hadlayay waxna dareemaayay maaha ama dadkuu khiyaamaynaayay,  Maalin hudhaalada magaalada naloo diiday oo uu Madaxweyne Siilaanyo hotel Kaah oo aanu wax ku qabanay uu ka hadlayay si weyn oo qof masuul ah ugu hadlo ayuu uga hadlay biyaha Hargeysa, waxa uu ka hadlay sida ay Hargeysi u biyo la’dahay iyo in ay biyuhu u dhaw yihiin oo biyaha Geed-deeble ay ku filan yihiin Magaalada hadii loo hagaajiyo dhuumaha, waxaanu balan qaaday hadii kursiga loo doorto inuu sanadka ugu horeeya biyaha ku gaadhsiin doono Magaaladda Hargeysa oo dhan, noloshu waa biyo sida Alle inoo sheegay waa waajib masuulku dad iyo duunyo wixii uu ka masuul yahay inuu biyo siiyo, markaas waa cajaa’ib marka ay booyadii cashuur ku darayaan,  dawladuhu waxay ka war wareegaan in cashuur lagu kordhiyo meelaha dadka si toos ah u taabanaya, gaar ahaan danyarta, cashuurta haddii gaadiidka khaaska ah la saarayo waxba may lahaateen, wax biyo dhaamiya oo ay dawladdi cashuurtaaba dunida ma jirto waayo waa arin dawlad qasab ku ah, waxay ahayd in la taageero basaska, gaadiidka raashinka iyo booyadahanba, markii cashuurta la saarayayna aad ayaa looga hadlay, Madaxweynihii shalay biyaha ka hadlaayay markuu mucaaradka ahaa maanta halkuu joogaa, miyuu maqan yahay mise waanu caafimaad qabin, mise dadka ayuu khiyaamaynaayay, oo waxay ahayd waxan Soomaalidu siyaasada u taqaano ee beenta ah oo kursiga ayuunbuu ku gaadhayay, waa su’aalo jawaabtooda u baahan”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday guddoomayaha Madasha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac sidan  “Waxaan la kulmay nin wasiir ah oo wasiirada waaweyn ee la hadal hayo ka mid ah, waxaanan ku idhi dadka maxaad biyaha ugu dhuri waydeen, intuu daantaas waqooyi faraha ku fiiqay ayuu yidhi qoladaas kuu abtiyaasha ah ayaa biyii haysatee la hadal, miyaanu isagu masuul ahayn, waa siyaasaddii Ingiriiska ee gumaysiga ee qaybi oo xukun, waxay doonayaan in qolaba ay yidhaahdaan qoladaas ayaa waxaas idiin diidan, ma cidbaa cid wax gacanta ugu haysa, talada dawladda ayaa haysa, waana inay fahmaan in dadku taas ka ilbaxay, dadku xaqbuu  u leeyahay ee ogaada inuu is difaacayo.”

 

Comments are closed.