20 Hab Oo CIA Ay Uu U Ciqaabi Jiray Maxaabiista Guantanamo

0
536

Picture5Washington (Geeska)- Waa qaybtii 3aad ee warbixintii Aljazeera ka soo koobtay warbixinta Kongareeska Maraykanku ka soo saaray hab-ciqaabeedkii CIA u mari jirtay maxaabiista ay ku tuhmayaan in ay xidhiidh la leeyihiin waxa ay ugu yeedhaan Argagaxisada; warbixintan oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu soo bandhigay 20 ka mid ah ciqaabahaas iyo dhibaatooyinka jidheed ee ay u geysteen maxaabiista ku xidhnaa xabsiyo kala duwan oo qaarkood qarsoodi yihiin, kuna dhex yaallaan Maraykanka gudihiisa iyo kuwo dibaddiisa ah oo uu ku jiro Guantanamo Bay oo ku yaalla gacanka Cuba.

Cunto siin qasab ah:

Maxaabiis badan ayaa markii ay u adkaysan kari waayeen ciqaabta bani’aadamnimada ka baxsan ee ay kula kacaan saraakiisha baadhista ee CIA, waxa ay isku dayeen habab ay filayeen in ciqaabtaas ay ka furan doonto. Maxaabiistan oo sida muuqata aan weli liqin sida arxan darrada ah ee loola dhaqmaya, aaminsanaana in cid uun aan ahayn kuwa gacanta ku hayaa ay ogaan doonto xaalkooda, lagana yaabo in ay ka caawiso sidii looga khafiifin lahaa ciqaabtaas, wax yaabaha ay sameeyeen waxaa ka mid ahaa in ay cuntada ka soomaan, oo ay muddo cunto la’aan ku adkaystan, taas oo dabcan ah hab kale oo uu maxbuusku ku raadsan karo geeri, maadaama oo uu quus ka taagan yahay in noloshu u sii socon karto hab-nololeedka ciqaabta ah ee uu ku jiro.

Nasiib darro maxaabiistani waxa aynu odhan karnaa waa ay eedeen isku daygan ay doonayeen in ay ku helaan calool dabac iyo in xaaladdooda hoos loo eego, waxa aanay saraakiisha CIA du kula kaceen habab sidii hore kaba sii arxan daran oo ay ku qasbayaan in ay cuntada sandulle ku qaataan.

Saraakiisha baadhista ee CIA cunto siinta maxaabiistan waxa ay ka dhigeen ciqaab kele oo ay ku xanuunjiyaan, hababka ay mari jireenna waxaa ka mid ah, in maxbuuska cuntada ka sooman xagga dambe laga geliyo tuumbo dheer oo la wadayo illaa caloosha, halkii ay ka ahayd in afka ama sanka laga geliyo. Tuumbadaas waxaa loo raacinayaa cunto la shiiday oo lagu buufinayo jidhka gudihiisa. Waa hab ciqaabeed guun ah oo taariikhihii hore dadka lagu ciqaabi jiray. Sidoo kale biyaha iyo dareerayaasha kale ayaa habkan loo siinayaa maxbuuskan.

Warbixinta golaha odayaasha Maraykanku ka soo saareen ciqaabtii bani’aadamnimada ka baxsanayd ee ay CIA kula kacday maxaabiista ay u qabato arrimaha la xidhiidha argagaxisada, waxaa lagu sheegay in ugu yaraan Shan maxbuus oo ku xidhnaa Guantanamo bay ay ku mudeen irbado aanay caafimaad ahaan u baahnayn, si ay qasab ugu quudiyaan cuntada ay diideen.

Xasharaad:

Baadhayaasha CIA du waxa ay isticmaaleen habab ciqaabeed ah in maxbuuska lagu xidho qol yar oo ay ka buuxaan xasharaad kala duwan oo ay ka mid yihiin, kaneeco iyo dirxi. Hab ciqaabeedkan iyo bahdilaaddan waxa ay CIA du marisay boqollaal ka mid ah maxaabiistii u xidhnayd.

Ninka keliya ee ay loodin weyday ciqaabta baadhayaashu:

Khaalid Sheekh Maxammed waxa ay CIA ciqaabtay 183 jeer oo aanu ku soo dabcin.

Ninka uu Maraykanku aaminsan yahay in uu ahaa caqliga ka dambeeyey qorshaynta weerarradii 11 Sebtamber oo lagu magacaabo Khaalid sheikh Maxammed ayaa la sheegay in baadhayaasha CIA ay mariyeen hahab ciqaabeed oo aad u xanuun badan. Sida lagu sheegay warbixintan uu golaha odayaasha Maraykanku ka soo saaray, ciqaabaha bani’aadamnimada ka baxsan ee CIA ay isticmaashay, ayaa lagu sheegay in Khaalid Sheekh Maxamed oo ku xidhnaa Guantanamo bay 183 jeer la mariyey ciqaabo daran iyo biyo la moodsiiyo in uu ku qaraqsoomay, laakiin Khaalid Sheekh Maxamed waxa uu fashiliyey dhammaan habab-ciqaabeedkaas oo suurtogelin waayey in uu xog macquul ah ka bixiyo hawlaha Al-Qaacida ee laga waraysanayey iyo weerarradii 11ka Sebtambar.

Baadhayaasha CIA ee la kulmay Khaalid Sheekh Maxamed ayaa sheegay in uu si aad ah u neceb yahay hab-ciqaabeedka ah in lagu dhex rido biyo, oo la moodsiinayo in uu ku qaraqmay, laakiin haddana waa uu la qabsaday oo waxa uu helay hab-nafsi ah oo uu ugu adkaysan karo ciqaabtaas. “Sheekh Maxamed, waxa uu ka awood batay nidaam-ciqaabeedkii lagu waraysanayey” sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah saraakiisha CIA ee warbixintan lagu waraystay, isaga oo intaas ku sii daray, in hoggaamiyahan ka tirsanaa Al-Qaacida uu si dhaqso ah ula qabsanayey hab-ciqaabeedka qallafsan ee la mariyo.

In kasta oo ay CIA beryihii hore ku andacoon jirtay in hab-baadhiseedka ay mariyeen Khaalid Sheekh Maxamed uu u suurtogeliyey in ay xog badan ka helaan, haddana taas waxaa burisay warbixintan oo sheegtay in isaga iyo maxaabiista kale badankooduba ay caado ka dhigteen in marka la ciqaabo ay xog faahfaahsan bixiyaan, laakiin marka ciqaabta laga joojiyo ay haddana si dhaqso ah uga noqon jireen xogtaas ay bixiyeen, sidoo kale Khaalid Sheekh Maxamed waxa uu baadhayaasha CIA da siiyey xogo uu si badheedh ah isu weydaariyey ama u qalday, sida xogtii mar uu siiyey ee la xidhiidhay qorshihii uu sheegay in lagu dilayey madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter, laakiin CIA du markii ay si buuxda u baadhay ay soo baxday in xogtaasi ay been abuur tahay. Dhammaad.