Ma Dhabbaa In Aadamuhu Uu Yahay Dantii Maraate, Anigadu Ku Badan Tahay

0
716

Waxa yaabaha nolosha casrigan loogu hadal haynta badan yahay waxaa ka mid ah dadka oo midiba midka kale kaga cabanayo ama ku dhaliilayo danaystenimo iyo in uu yahay qof tiisa u halgamaya.

Waa dhaqan u muuqda in uu ku baahay bulshada qaybaheeda oo dhan, laga bilaabo hoggaamiyeyaasha iyo madaxda siyaasadeed, illaa laga soo gaadho shaqaale hoosaadka ama xitaa dadka caadiga ah ee aan wax hawl dan guud ah haynin. Qof kastaa waxa uu muhiimadda koowaad iyo ta boqolaadba siinayaa dantiisa, iyo sidii uu u raadin lahaa danihiisa isaga oo aan dan ka gelayn dadka kale iyo danta guud midna.

Inkasta oo uu yahay dhaqan aan ku wacnayn nolosha wadarta ah ee bulshada, isla markaana yahay dabeecad xitaa ruuxa fulinayaa uu marar badan la gabbado, haddana waxa aan la iska indha tiri karin danaystenimadu ceeb kasta oo ay leedahay in ay haddana ka mid tahay dabeecadda abuurta ah ee aadamaha.

Culimada cilmiga bulshadu waxa ay dadka ku dhaliilaan in uu yahay noole aan naxariista aqoon, oo si aad ah ugu darban in uu nolosha isku garbiyo iyo in uu ku loollamo khayraadka, hanti urursiga iyo awoodda madaxnimo.

Waa ay dhacdaa in marar badan la arko dadyow aanu loollan gaar ahi nolosha uga dhaxayn, laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado in ay jirto sabab loollalinkii dhexdooda dembisay ama ugu yaraan in ay sababo kale awgood uga adkaadeen doonistoodii shakhsiga ahayd, ugana gudbeen dabeecaddii keynta ee danaha la kala hororsanayey.

Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay shabakadda Live Science, culimadii falsafaddu waxa ay isku khilaafeen in danaystenimada dadku ay tahay dabeecad ay iska hidde raac ab ka ab, iyo in ay tahay wax mar dambe noloshu bartay.

Buugga ‘Republic’ ee FaylasuufPlato, waxaa ku jira dood dhex martay Suqraat oo buugga laga qoray iyo Golokon  oo ahaa walaalkiisii ka weynaa. Golokon waxa uu ku doodayey in macaamil wanaaggu uu ku yimaaddo oo keliya marka uu waafaqo danta shakhsiga ah ee qofka, taas oo macnaheedu yahay in macaamilka wanaagsan ee aadamaha iyo iska ilaalinta gefka iyo dembigu ay ku timaaddo keliya marka uu dantiisa ilaashanayo, tusaale ahaan in qofku uu wax wanaagsan sameeyo isaga oo ka baqanaya in la ciqaabo. Waana sababta inta badan keenta in dadku u hoggaansamaan sharciga iyo kala dambaynta.

Golokon waxa uu ku doodayaa in haddii aadamuhu ogyahay in aanay cidi ficilladiisa arkayn, in xitaa dadka kuwa ugu cadaaladda iyo samafalka fiicani uu u dhaqmi lahaa si dantiisa oo keliya ah.