Xildhibaan Ka Mid Ah Golaha Wakiilada Oo Baaq U Diray Komiishanka, Axsaabta, Xukuumadda & Shacabka

0
575

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay Doorashooyinka la filayo inay sannadkan dhacaan, waxaanu si gaar ah baaq ugu diray Xisbiyada Qaranka, Xukuumadda, Komishanka iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Faarax oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Muddo aad u dheer bay Doorashooyinkeeni dib u dhacayeen, laakiin mar haddii la isla qaatay in la qabto sannadkan, gaar ahaan 31 bisha shanaad ee sannadkan aad baan u soo dhaweeynayaa, laakiin muhimada koowaad ayaa ah inay inoo dhacaan Doorashooyin ku salaysan caddaalad oo lagu wada qanacsan yahay, Shacabkeenu ceeb ma leh, xumaana keeni mayaan, ee Komisnanka ayaan leeyahay idinku mar kasta cadaaladda iyo xaqsoorka ku dedaala, oo Xisbiyada dhex u ahaada, Xisbiyadana waxaan leeyahay tartankiinu ha ahaado tartan xalaal ah oo cay iyo aflagaado ka reeban yihiin, Dawladduna xilkeeda iyo waajibadkeeda kaga soo beegma qabsoomidda Doorashooyinka si daacadnimo ku dheehan tahay ha uga baxdo”.

Geeska.net/Hargeisa Office