Ma Dhabaa In Siilaanyo Fulinayo Taladii Rayaale Ee Inaanu Saddex Nin Xilka Ka Qaadin?

2
758

xillwar7ejintaHargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay in kulan uu Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay markii talada lagaga guulaystay balse aanu xilka wareejin uu tallo ku siiyay inaanu xilka ka qaadin saddex masuul oo ka tirsanaa xukuumadiisa.

 

Inkastoo aanu warkaasi si rasmi ah u soo bixin, haddana ilo xogogaaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Daahir Rayaale Kaahin uu Madaxweyne Siilaanyo u sheegay inay taladiisu tahay mid nasteex ah balse aanay ahayn mid siyaasadeed, waxaanu u soo jeediyay inaanu saddexdaas nin xilka ka qaadin ee uu u daayo xilalka ay  hayaan, isagoo saddexdaas nin ku tilmaamay kuwo xirfad iyo karti u leh shaqoyinka ay hayaan. Saddexdaas masuul ayaa la sheegay inay kala yihiin Cabdiraxmaan Ducaale oo xukuumadii Rayaale u qaabilsanaa guddoomiyaha Baanka, Maxamed Saqadhi Dubad oo ahaa taliyaha Booliska iyo Eng. Cali  Cumar Maxamuud  (Cali Xoor-xoor) oo isna ahaa maareeyaha dekedda Berbera, laakiin Madaxweyne Siilaanyo dheg uma dhigin talladaas, waxaanu markiiba xilkii ka qaaday saddexdaas nin iyo dhammaan masuuliyiintii ka tirsanaa xukuumadii hore ee UDUB. Laakiin intii aanu xilka haynin muddo sannad ah wuxuu dib u soo celiyay taliyihii Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, laba sanno intii aanu haynina wuxuu isna dib u soo celiyay maareeyihii dekedda Berbera Cali Xoor-Xoor, laakiin ilaa hadda ma soo celin guddoomiyihii baanka Cabdiraxmaan Ducaale, waxase muddooyinkan dambe la isla dhex marayaa inuu isna soo celin doono. Inkastoo ay saddexdan masuul iyo kuwo kaleba ay ka mid ahaayeen xubnihii ay xisbiga KULMIYE sida ba’an u cambaarayn jireen wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen, haddana waxa muuqata in Madaxweyne Siilaanyo wuxuu dareemayba dib ugu dhiibay xilalkii ay qaranka u hayeen xilligii ay ka tirsanaayeen xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa.

Sidaas daraadeed, dadka qaarkii ayaa aaminsan in Madaxweyne Siilaanyo ku guddo jiro fulinta tallooyin uu siiyay Madaxweynihii hore ka horeeyay ka hor intii aanu xilka kala wareegin.

Comments are closed.