Xasan Ciise Oo Cabanaan Ku Dhaliilay Xukuumadda Siilaanyo

0
664

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Xasan Ciise Jaamac, oo ahaa Madaxweyne-xigeenkii u horeeyay ee ay Somaliland yeelato ayaa is barbar dhig ku sameeyay farqiga u nuglaanshaha mucaaradada ee u dhexeeya xukuumadii hore ee UDUB iyo xukumadan KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.

Xasan Ciise Jaamac, oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad loogu wanqalay urur siyaasadeed cuimagessub oo la yidhaahdo Xaq-soor, wuxuu hogo tusaaleeyay in mucaaradada maamulka maanta jiraa tahay ujeedada ay isaga iyo siyaasiyiin kale u xamaan urursanayaan, waxaanu soo hadal qaaday ku dhawaaqistii urur siyaasadeedka UDHIS oo uu sheegay inaanu telefishanka qaranku soo dayn shirweynihii uu ururku Hargeysa ku qabsaday, “Maamulka maanta jira mucaaradadooda iyo wax u sheegooda waa waxaan  ku socono, laakiin qodob uun baan u sii sheegaynaa, maamulkii kan ka horeeyay waxa aad moodaysay inuu aad dheg weyn u yahay maantoo dhan hadal maantoo dhan mucaarid, shidanaaba shidan, caduur dhaw dhawdu uma dhacsana inaad wax u sheegto iyo in aanad u sheegin isku mid bay ahayd kamaad dareemaynba inaad wax u sheegtay. “ ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac, waxaanu isagoo ku soo hal qabsanaya ruug cadaaga Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe), uu yidhi “Xaaji Cabdi ayaa  madaxweyneyaashii hore ee soo maray Somaliland waxa uu ku yidhi midna waxaan ugu taag la’nahay waar kaalay oo dadka la hadal, midna waxaan ugu taag la’nahay waar dadka ka aamus, imika labadii maamul ee kala danbeeyay kii hore mabuu dirgaxanayn;  inaad wax u sheegtay kamaad arkayn, wejigoodana kamuu muuqanayn inaad wax u sheegtay, kuwan haddaad dhinacooda jaleecdo oo xiix tidhaado adigoo cunaha banaysanaaya dhagaxu wuu kugu yaalaa, maxaa la yidhi mayd maxaa ugu danbeeyay kaas la sii sido, waxa markhaati ugu danbeeyay kaas Faysal Cali, Faysal Cali sanadkan uu maamulku jiray waa ninkay ku kaliyaysatay mucaaradada Somaliland.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Laba saddex eray oo uu meelahaas ka yidhi saska laga qaaday markhaatiyo ayaad ka tihiin ee aan loo kala hadhin ee cid xaal ka bixisay aanay jirin ee rag iyo dumar laysu soo raacay. Kalsooni darada maanta ka muuqata maamulka waxa kamida maalintii aanu UDHIS ku dhawaaqaynay tilifishanka qaranka waxaad moodaysay dhalinyaradii ka shaqaynaysay in la yidhi ninka sii daaya barnaamijkaa UDHIS waa shan xabadood, miiska hoostiisa ayay galiyeen, shir weynahii Hargeysa aanu ka qabanay intay qariyeen ayay dhawr nin oo iyaguna Berbera ka dhawaaqay oo UDHIS wax ka sheegay ayay ka soo daayeen tilifishankii sidii oo UDHIS ku dhawaaqisteeduba uu intaa yahay, kal sooni daradu halka ay ka taagantahay.”

Wuxuu soo jeediyay in lagu dedaalo sidii kalsooni loogu abuuri lahaa xukumadda maanta, waxaanu yidhi “ Waxaaynu ku dededaali doonaa walaalayaal inaynu kalsooni galino inaynu u caqli celino inaynu baqahaas badan ee ku jira ka saarno inaynu dajino oo aynu nidhaahno waaryaadhaheen dhagaysta inta uu illaahay idiin qoray ayuun baad joogaysaan, anaguna maalin idima dadajin karno intuu illaahay idiin qoray, idinkuna maalin kuma habsaami kartaan intuu illaahay idiin qoray, iimaansada oo sidii kuwii idinka horeeyayna dareen la’aan ha’noqonina, laakiin dareenkan faraha badan qudhiisu waxa uu u baahan yahay in la yara yareeyo.”

Wuxuu hadalkiisa intaas raaciyay, “ Taas halkaasaynu kaga baxaynaa waa arinta aynu u diyaar garoobayno wax u sheegooda iyo mucaaradadooda ee aynu u hub samaysanayno haddii alle yidhaahdo, arintaas Faysal ku dhacdayna umada oo dhan markhaati ayay ka tahay aad ayaa looga xumaaday, waana laga hiilinayaa, waana la arki doonaa haddii alle yidhaahdo.”