Waraysi Gaar Ah Oo uu Geeska afrika La Yeeshay Dr. Gabose

0
739

Hargeysa, (Geeska)- Gudoomiyaha ururka UMADA, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay inaanu wax aqoon ah u lahayn nin sheegay inuu qaatay magaca ururkiisii, xilligan loo fasaxay wejigii labaad ee dhaqdhaqaaqa dhowaana dhamaan gobolada dalka gaadhi doonaan.

6498370923_b759327fd7

Dr, Maxamed C. Gaboose ayaa cadeeyey inay u cuntami weyday oo naftiisu  dareensiisay munaafaqnimo inuu isku dhexwado diyaarsashada  qorshahii ururka UMADA iyo xilkuu u dhaartay, hawsha ururkana  uu bilaabay markuu xilka ka tegay.

Wareysi dhinacyo badan oo wargeyska Geeska Afrika la yeeshay, Gudoomiyaha ururka UMADA, Dr, Maxamed C. Gaboose, ayaa sheegay in awooda maamulku tahay seef nacabka lagu gooyo, laakiin ninka mucaaridka ah aanu nacab ahayn, waxuu u dhacay sidan:

S: Gudoomiye, ugu horeyn warbixin kooban naga sii halka uu marayo aasaaskii ururka UMADA?

Waad mahadsantihiin. Ururka UMADA waanu soo yagleelay, laba marxaladood sharci oo muhiim  ahaana waanu ka soo gudubnay, oo ahayd in shirkii aasaaska la qabto, laguna dhawaaqo ururnimada, oo dhamaan shuruudaheedi la buuxiyey, ka dibna lacagtii diiwaangelinta ayaan shubnay. Guddidii diiwaangelintuna warqadii dhaqdhaqaaqa way na siiyeen, immika waxaan galay marxaladii aanu xafiisyo gobolada uga furan lahayn oo mid walba kun xubnood ka diiwaangashan lahayd, ka dibna shirweynahii u qabsan lahayn.

Xilkii wasiirka Arrimaha Gudaha muddo hore ayaad iska casishay, ururkaagana waxa la saadaalinayey inuu ugu horeyn doono furitaanka, balse waa laga horeeyey, maxaa sababay, miyaan qorshahiisu kuu diyaarsanayn?

Maya, qorshahiisu iima diyaarsanayn. Xil baan hayey oo ku dhaartay, Madaxweynaha JSL ayaa igu aaminay, oo qarankaa igu aaminay, markaa muddadii aan xilka hayey iima cuntamayn inaan qorshe kale oo shaqsiya ku dhexwado, hadaan labada hawlood isku dhexwadana waxay naftaydu I dareensiisay inaan munaafaq noqonayo, oo daacad ka ahayn kitaabkii aan ku dhaartay, waayo waa laba arrimood oo aan is-xanbaaran Karin, oo damiirka aan ku wanaagsanayn. Yagleedida ururku waxay u baahan tahay inaad shacabka la kulantid, oo u sheegtid inaad urur samaynayso, oo guddiyo samaysid, marka waxaan ka cararay muddadii aan xilka Wasiirnimo hayey inaan shaqsi kala hadlo furitaanka ururka. Markaan xilka ka tegay ka dib ayaan bilaabayinaan dadka kala hadlo aasaaska ururka UMADA.

Dhowaan nin Maraykanka jooga oo wareysi bixiyay waxuu sheegay in magaca ururkiina isagu lahaa, ogolayna inaad qaadatid oo sharciga kula gelayo, maxaad ka odhan lahayd?

Walaal, xeer No. 14 ayaa qoraya in magic urur hore loo samaystay  aan la qaadan Karin, urur kalena isticmaali Karin, waan ku raacsanahay hadaan magaciisa isticmaalo inaan xaq u yeelan Karin, annagu magaciis maanu isticmaalin, magaca ururkayaga oo dhamaystiran waa Ururka Maaraynta Danta Dalka oo loo soo gaabiyo UMADA, ninka aad sheegtay uururkiisana isku magac iyo soo gaabin midna ma nihin. UMAD iyo UMADA isku dhawaaq, isku qoraal iyo isku micne midna maaha, sidoo kale xarfo la soo gaabiyey magac maaha.

Ninkaasi waxuu sheegay inaad hore uga wada hadasheen wadaaga magaca, ma jirtaa, ama ka odhan lahayd?

Maya, walaal, xaqiiqadii shaqsi aan garanayo maaha, wax aan hore uga wada hadalnayna ma jiraan, waxaan uga baahdayna ma jiraan. Ururkani la-taliyeyaal sharci ayuu leeyahay, nidaam degsan ayuu ku socdaa, ma aqaan xidhiidhna maanu yeelan weligii, markaa meel-ka-dhac ayey ku tahay inuu waxyaalahaa oo kale ku hadlo.

Gudoomiye, marka laga hadlayo dhakhtarnimada iyo siyaasada waa laba xirfadood oo markay timaado sirta kala duwan tahay adeegsigooda, sidaad u aragtaa ama u lamaanayn kartaa adigu?

Waxa weeye, labada xirfadood iyo mid kaloo kasta waxay u baahatahay qarinta sirta. Dhakhtarnimadu waa dhab, sidoo kale xukuumad ayaan ka tirsanaa wax badan oo siro ah ayaa soo wadaagnay, igama suurtowdo inaan daahfuro siraha aan wadaagnay ee kitaabka ugu dhaartay markaan  xilka qaadayey, waa damiirka shaqada iyo hogaaminta. Damiirkayga ayaan ii fasaxayn hadaan dhakhtar ahay inaan sirta bukaankayga faafiyo ama xukuumadii aan ka tirsanaa sirahaan wadaagnay sheego. Waxaan ka hadli karaa siyaasiyan xaalada dalka halkuu marayo waxa qaloocday, waxaan toosin karo ayaa dalka layga rabaa inaan ugu hiiliyo. Mucaaridnimadu gebigeeduba waa hiil. Maamulku waxuu hayo waan wada leenahay, inaan la toosino, gacan qabano, oo markuu toosan yahay ku amaano, marka wax qaloocdo waa bani’aadam u sheegno in wax ka fiican la qaban karo.

Gudoomiye, siyaasiyiinta qaarkood waxay ku aargoostaan awooda markay helaan, adiga Gaboose ahaan maxaad filaysa in laguugu tilmaamo ama aad tahay?

Horta, ereyga aargoosi sidiisaba waxa iska leh oo adeegsada nin aan xilkas ahayn. Siyaasadu waa laba seef, qof kula jecel himiladaada iyo doonistaada, iyo qof kaa soo horjeeda, haddii ilaahay kugu guuleeyo labadaba adigaa Madaxweyne ama wasiir u noqonaya. Waxaad gacanta ku hayso waa mid ninkii mucaaridku kula leeyahay, awoodu seef lagu gooyo nacabka, qofka mucaaridka ah nacab maaha, aragtidiina ayaa kala duwan. Wargeyska Geeska Afrika, warbaahinta waaweyn ayuu ku jiraa, waad soo baadhi kartaan qof aan aargoosi kula kacay. Ilaahay ha iga badbaadiyo berri haddaan xilka qabto aan sidaa noqdo, horena uma noqon.

La soco cadadka berri su’aalo xiiso badan oo ka mid yihiin, sababta khilaafkii Gaboose iyo Badhasaab-xigeenkii hore ee Burco, fikirkiisa ku aadan ururo badan oo siyaasiyiin ay isku reer yihiin furteen, aragtidiisa furashada ururo diimeed iwm………………