Hillary Clinton Oo Khamiista Beri Qaabilaysa Madaxweynaha Soomaaliya

0
527

 

Picture1Washington(Geeska)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa xaqiijisay in xoghayaha arrimaha dibadda ee dalkaas Mrs. Hillary Clinton ay khamiista beri qaabili doonto Madaxweynaha Somaliya oo booqasho rasmi ah ku tagay USA.

Wasaaradda arrimaha dibadu waxay sheegtay in Hillary Clinton ay xarunta wasaaradeeda ku qaabili doonto Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanay ka wada hadli doonaan xidhiidhka dalalkooda. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu la kulmi doonaa saraakiil sarsare oo ka tirsan waaxyaha amniga iyo dhaqaalaha ee dalkaas maalmaha uu dalkaas joogo. Laakiin weli lama sheegin inuu la kulmi doono Madaxweynaha Maraykanka iyo weliba inuu ka qayb geli doono munaasibada dhaarinta Madaxweyne Obama oo markii labaad bishan gudaheeda loo dhaarin doono Madaxweynaha dalka Maraykanka.