Ma Dhabaa In Madaxweyne Siilaanyo Darajadii Kala Noqday Taliye-xigeenka Ciidanka Asluubta

0
675

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu hal xidig oo ka mid ah darajadii kala noqday taliye xigeenka ciidamada Asluubta Xasan Cali Dheere, oo maalintii darajada la bixiyay la siiyay sareeye Guuto.

Ma jiro war rasmi ah oo ay soo saareen guddigii qiimaynta darajooyinka ciidamadu. Laakiin warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo shalay taliye xigeenka ciidanka Asluubta u soo qoray amar uu ku wargelinayo inuu kala noqday xidig ka mid ah darjaadaas la siiyay, islamarkaana uu labisto darajada Gaashaanle sare. Taliye xigeenka oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino warkan, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo. Wasiirka gaashaandhiga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo aanu isna isku daynay inaanu la xidhiidhno ayaanay noo suurtogelin.

Muddooyinkii u dambeeyay, waxa soo baxayay warar sheegaya inuu khaladaad ku jiray darajooyinkii ciidan ee la bixiyay, laakiin haddii uu warkani dhaboobo wuxuu taliye xigeenka ciidanka asluubtu noqonayaa sarkaalkii u horeeyay ee lagala noqdo qayb ka mid ah darajadii lagu taxay.