Dareenada Ka Dhashay Qandaraaska Iibka Baabuurta Iyo Aamusnaanta Madaxtooyada

0
691

 

baashe - CopyHargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa si adag isaga difaacay eeddo musuqmaasuq oo ay warbaahinta qaarkeed baahisay, kuwaas oo ku xidhiidhiyay baabuur cusub oo loo soo iibiyay madaxtooyada, oo aan qandaraas lagu bixin. Wasiir Samaale, oo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu ku dooday in wasaaradiisu aanay soo iibsan wax gaadiid ah, wixii ay soo iibsanaysana marin doonto hay’adda qandaraasyada qaranka, “Hadday tahay wasaarad kale gaadiid ay iibsatay ma qusayso wasaaradda maaliyadda, in wasaaradaas la weydiiyo weeyaan, iyaduna sida ay wax u jiraan ayay uga jawaabi doontaa. Weli waxba maanu soo iibsanin, waxaanu soo iibsanaynana  hay’adda qandaraasyada ayay mari doonaan.” Sidaas ayuu hadalkiisa u cadeeyay Wasiir Samaale.

Wargeyska Hubaal, oo shalay warkan dareenada dhaliyay baahiyay, wuxuu sheegay in hay’adda qandaraasyada qaranku u sheegtay inaanay waxba kala socon baabuurtaas cusub ee la soo iibiyay oo ay tiradoodu tahay 10. Wargeyska Hubaal, wuxuu sheegay inuu baabuurtaas soo iibiyay wiil uu madaxweynuhu soddog u yahay oo lagu magacaabo Baashe Cawil.

Dhawr goor oo uu madaxweynuhu hawlo shaqo dibadda qasriga ugu soo baxay ayay kamaradaha warbaahintu qabteen Mr. Bashe, isagoo gacan dhaaf maamul ku samaynaya masuuliyiinta ku shaqada leh baratakoolka iyo amniga madaxweynaha, sida ka muuqata sawirrada ku lammaan qoraalkan, taas oo dad badan gelisay dareen ah in uu muwaadinkani leeyahay awood qarsoon, oo dabcan inta la og yahay aanay madaxweynaha iyo cidda kale ee ay khuseeyaan hawlaha uu faraha kula jiro ugu igman si waafaqsan sunnaha dawladnimo.

Mar haddii ay sidaas tahay madaxtooyada Somaliland, waxa looga baahanyahay inay shacabka Somaliland u cadayso cidda bixisay qandaraaskaas lagu soo iibiyay baabuurta iyo weliba sifaha loo maray, mar haddii ay guddiga qandaraasyadu sheegtay inaanay ka war hayn baabuurtaas cusub oo la sheegay in toos looga keenay wershadii samaysay.

In kasta oo aan madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, marna si shakhsi ah loogu eedayn lunsi hanti qaran, wakhtigii uu ahaa mucaaradkana, xukuumadii hore ku eedayn jiray musuqmaasuq iyo qaraabo kiil, haddana waxa ceeb ugu filan in xubin qoyskiisa ka tirsan lagu eedeeyo inuu qaatay qandaraasyo aan jidkii sharciga ahaa loo soo marin.

Sidaas daraadeed, madaxtooyada Somaliland oo aan ilaa hadda wax jawaab ah ka bixinin eedahan, waxa looga fadhiyaa laba qodob midkood. Waa marka koowaad ee, in haddii aanay eedahani sidaas u jirin ay iska barraxdo iyo iyo qodobka labaad oo ah in haddii wararkani jiraan ay umadda u sheegaan sifaha loo maamulay qandaraaskan iyo cidda bixisay, mar haddii aanay guddigii qandaraasyaduba ka warqabin. Wixii labadaas qodob ka sokeeyaa waa fadeexadaha musuqmaasuq oo maalinba maalinta ka dambaysa isa sii biirsada.