Geeska Afrika Oo Helay Heshiis Afar Qodob Ka Kooban Oo Ay Madaxda KULMIYE U Kala Saxeexdeen Shirka Golaha Dhexe Ee Maanta Furmaya

1
704

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo shirguddoonka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa heshiis ka kooban afar qodob ka gaadhay shirka golaha dhexe ee maanta u furmaya xisbigaas.

Shirkan golaha dhexe ee maanta oo lagu soo afjaray khilaaf ka dhex oogmay hoggaanka xisbiga iyo shirguddoonka golaha dhexe, waxa uu ka dambeeyay wada hadal dhex maray labada dhinac, oo aakhirkii lagu guulaystay in lagu kala saxeexdo afar qodob. Heshiiskan oo uu Geeska Afrika helay, waxa dhinaca hoggaanka u saxeexay guddoomiye xigeenka xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, halka uu shirguddoonka golaha dhexe u saxeexay Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) oo ah guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE. Qoraalkan oo sida ka muuqata la kala saxeexday 26/3/13, waxa uu  u dhignaa sidan:  “Hoggaanka xisbiga iyo shirguddoonka golaha dhexe, iyagoo ka shidaal qaadanaya kana duulaya qoraalkii uu Madaxweynuhu ku codsaday in dib loo dhigo shirweynihii xisbiga KULMIYE , guddoomiyaha xisbiguna uu waafaqay, guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta asxaabta qarankuna ay soo waafaqeen qoraalka Madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga.74

Hoggaanka xisbiga iyo shirguddoonka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE waxay isla garteen.

In Golaha dhexe ee KULMIYE ay shir isugu yimaadaan 31/3/13, shirkaasina mudada uu soconayaa ay noqoto hal maalin.

• In shirku uu taageero qoraalkii dib u dhigista Madaxweynaha iyo guddoomiyaha KULMIYE, shirweynuhu qabsoomo 25/12/13.

• Qaabka uu shirku u soconayaa ay noqoto sida soo socota

• Guddoomiyaha Golaha dhexe oo shirka fura

Guddoomiyaha xisbiga oo ku soo dhaweeya madaxweynaha

• Madaxweynaha oo shirka soo gebagebeeya

 

• In goobta shirka lagu qabanayaa ay tahay Maansoor Hotel

Qodobadan uu xisbiga KULMIYE kala saxeexday, ayaa waxa laga dareemayaa inuu weli khilaafkii jiro, balse lagu heshiiyay in shirka golaha dhexe la is dhaafiyo si aanu khilaafku u sii jiitamin. Waana la eegi doonaa shirka golaha dhexe ee xisbigaas maanta u furmaya.

Comments are closed.