Ma Dhabaa In Madaxweyne Siilaanyo Badhasaabka Awdal U Magacaabayo Ramaax Oo Ah Badhasaabka Sanaag?

0
460

Picture6Hargeysa(Geeska)-Iyadoo maalmihii u dambeeyay aad loo sugayay isku shaandhayn iyo xil ka qaadis uu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyo golihiisa xukuumadda iyo hay’adaha dawladda ee madaxabanaan, ayaa waxa soo baxaya wararka qaar banaanka soo dhigay masuuliyiinta la isku bedelayo. Badhasaabka gobalka Sanaag Md. Maxamuud Cali Saleban (Ramaax) ayaa la filayaa inuu noqdo badhasaabka cusub ee gobalka Awdal oo uu xilka kala wareego badhasaabka wakhtigan Cabdoo Axmed Aayar. Lama garanayo in Mr. Aayar loo wareejin doono gobal kale iyo in xilka laga qaadi doono. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xilalka ka qaadi doonaa madaxda hay’adaha madaxabanaan ee dawladda qaarkood oo la filayo in loo magacaabo siyaasiyiin ka soo jeeda gobalka Awdal oo ay dhawaan madaxdhaqameedkiisu madaxweyne Siilaanyo u gudbiyeen tabasho dhinaca saami qaybsiga ah. Isku shaandhaynta iyo xil ka qaadista madaxweyne Siilaanyo oo ay bulshadu isha ku hayso ayaa la filayaa inay toddobaadkan soo baxdo.