Halista Somaliland Kaga Soo Socota Qaramada Midoobay & Qorshaheeda Federaalaynta Iyo Mooganaanta Xukuumadda Iyo Xisbiyada Qaranka

0
514

Picture7

Hargeysa(Geeska)-Waxa soo if baxaya qorsheyaal ay Qaramada Midoobay u dejisay dalkii hore la isugu odhan jiray Somaliya oo ay Somaliland ku jirto, kuwaas oo badankoodu bilaabmaya bilaha ugu horeeya ee sannadkan.

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Nicholas Kay ayaa warbixin Arbacadii 4tii February u jeediyay golaha  ammaanka Qaramada Midoobay.  Inkastoo aanu Ambassador Nicholas Kay warbixintiisa oo lagu daabacay bogga wararka ee Qaramada Midoobay meelna kaga xusin Somaliland haddana qorsheyaasha uu jeediyey qaarkood waxay u muuqdaan kuwo halis ku keeni kara qaddiyadda Somaliland mustaqbalka haddii aan halkooda lagu moosin.  “Sannadkani (2015) waa kii go’aamin lahaa in Soomaaliya ay noqonayso waddan mideysan, nabad ah, federaalna ah iyo sifihii lagu gaadhi lahaa” ayuu yidhi  Kay sida ka muuqata warbixintiisa ku jirta barta Internetka ee Qaramada Midoobay.  http://www.un.org/apps/news/story.asp?NewsID=49990#.VNUEh-f94TF

Wakiilku wuxu warbixintiisa ku xusay in sannadkan la xoojinayo maamul-goboleedyadii ku-meel-gaadhka ahaa isla markaana la samayn doono kuwo hor leh kuwaas oo aanu gaar u sheegin.  “Sannadkan waxa la gaadhi doonaa go’aano qeexaya sida ay maamul-goboleedyadu khayraadka u qaybsan doonaan mustaqbalka, waxa la samayn doonaa Guddidii Doorashooyinka iyo Guddidii  Calaamadaynta Xuduudaha iyo Federaalaynta” ayuu raaciyey wakiilku oo ay dad badani ku tilmaamaan boqorka qarsoon ee jaan-gooya talada iyo maamulka Somaliya.

Arrimahan u muuqda dabinada Somaliland loo maleegayo ayaa waxa ka mid ah maamulo samaynta Somaliya iyo weliba waxa ay Qaramada Midoobay ugu yeedho aftida distoorka ee Somaliya laga qaadayo sannadka dambe. Danjire Nicholas Kay ayaa warbixitii uu toddobaadkan u jeediyay golaha ammaanka Qaramada Midoobay wuxuu cadeeyay in la dhammaystiri doono maamulo loo samaynayo dalkii la isku odhan jiray Somaliya, isagoon magacaabin maamuladaas, waxaana laga yaabaa inay maamuladaas ku soo daraan gobalo Somaliland ka tirsan. Waxa la isweydiin karaa maamulada cusub ee uu sheegayo ma ku soo dari doonaa maleeshiyaadka Khaatumo?

Waxa kale oo uu ergaygani sheegay in la samaynayo guddiga calaamadinta xuduudaha maamul goboleedyada la dhisayo. Haddiiba guddigaas la sameeyo khariidad noocee ah ayay u calaamadinayaan Puntland oo sheegata gobalo ka tirsan Somaliland? Go’aan noocee ah ayay ka qaadan doonaan gobalada Sool iyo Sanaag oo sharciyan Somaliland ah balse uu maamulka Puntland hayb qabiil ku sheegto.?

Geesta kale xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ayaa warbixintii u dambaysay ee uu Golaha ammaanka ka siiyay xaaladaha Somaliland iyo Somaliya, wuxuu markii u horaysay Gobalka Buuhoodle ee Somaliland ugu yeedhay gobalka Cayn oo ah magac ay Puntland gobalkaas u isticmaasho. Hadalka Ban ayaa u muuqda mid dhexdhexaadnimada ka fog oo ay siyaasadi weheliso. Geesta kale waxaan iyana la dhayalsan Karin hadalkiisa oo uu ku daray in gobalada galbeed ee Somaliland nabdoonyihiin balse ay gobalada bari dagaalo goos-goos ahi ka dhacaan, taas oo aanay waxba ka jirin.

Qodobadan oo dhan ayaa u muuqda dabino ay Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska danjire Nicholas Kay ee UNSOM uu u maleegayo qaddiyadda Somaliland, waxase war-warkeeda leh sida aanay xukuumadda Somaliland, siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo shacbiguba xog badan uga hayn dabinada loo qoolayo qadiyadooda.

Xukuumadda Somaliland ayaa inta badan hadalada ka dhanka ah Somaliland ee ka soo yeedha qadiyada Somaliland kaga jawaabta hadal ay warbaahinta u mariso oo uu nuxurkiisu yahay inaanu hadalkaasi khusayn Somaliland islamarkaana ay kala duwanyihiin Somaliland iyo Somaliya. Hase yeeshe waxa xukuumadda looga baahanyahay ficilo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed inay kaga jawaabto dhawaaqyadaas. Haddiise ay jawaabtoodu ku koobnaato hadal keliya waxa ay cid kasta oo Somalialnd dagaal ku haysaa si qarsoodi ah u sii wadi doontaa qorsheyaasheeda.

Gunaanadkii, xukuumad iyo shacbi ahaanba Somaliland waxa la gudboon in ay ku baraarugsanaato wax kasta oo qaddiyadeeda saamayn ku yeelan kara islamarkaana arrimahan halkooda lagu mooso oo laga hortago.

 

004#12?oMp ment:0000008034 SourceURL:http://geeska.net/wp-admin/post-new.php

Hargeysa (Geeska)- Janaraal Muhaab Mimiish oo madax ka ah haayadda  mamausha Marin biyoodka Suweys  ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in Masar aanay marnaba aqbali doonin in uu xidhmo Marin Biyoodka Baab Al-Mandab ee dalka Yemen, haddii la isku dayana ay milateri ahaa u soo farogelin doonto.

Janaraalka oo shir-jaraa’id u qabtay warbaahinta caalamiga ah ayaa arbacadii 4ta Feebarweri sheegay in ay dalka Masar u diyaarsan yihiin ciidamo heegan ugu jira in ay dhaqso uga jawaabaan haddii kooxaha uu ugu yeedhay xag-jirku ay isku dayaan in ay marinkan xidhaan, waxa aanu ku dooday in isku day kasta oo noocaas ahi uu taabanayo amniga qaranka ee dalka Masar, si toos ahna saamayn taban ugu yeelanayo Marin Biyoodka Suweys.

Janaraal Muhaab waxa uu sheegay in dalka Masar uu si dhow oo joogto ah ula socdo xaaladaha cakiran ee dalka Yemen, waxase uu xaqiijiyey in illaa hadda aanu dalkiisu arkayn wax khatar ku ah marinka Baab Al-Mandab oo ka imanaya dalka Yemen.

Kornayl Axmed Rajaani oo ah xeeldheere Milateri oo shabakadda Al-Carabiya ay arrintan ka waraysatay ayaa isaguna sheegay in haddii Marin Biyoodkani uu xidhmo la filayo in Masar ay u soo farogelin doonto si kasta oo u suurtogal ah si ay danaheeda iyo amnigeeda u ilaaliso, “Waxa ay qaadan kartaa dhowr tallaabo oo milateri oo ay arrintan ku soo afjarayso, waa suurtogal in ay kelideed ku dhaqaaqdo ama in ay abuurto isbahaysi caalamiya, waayo dunida oo dhami ma aqbali doonto in la taabta amniga Marin Biyoodka caalamiga ah”  ayaa uu khabiirkani yidhi, isaga oo intaas ku sii daray in ciidamada Masar ay leeyihiin awood ciidamada cirka ah oo ay ku duqeeyaan fadhiisinnada xag-jirayaasha ama cid kasta oo isku dayda in ay xidho marin biyoodka Bab Al-Mandeb, iyo in ay sidoo kale ku garaaci karto gantaalaha riddada dheer oo ay Masar haysato kuwo casri ah oo aad u awood badan.

Marin biyoodka Baab Al-Mandeb waxaa haddaba jooga ciidamo caalamiya oo isugu jira kuwo muddo dheer marinkan ku sugnaa oo ilaalinayey amnigiisa iyo kuwo ilaaliya budhcad badeedka, waayo waa marin caalamiya oo isku xidha dunida barigeeda iyo galbeedkeeda, haddiba ay dhacdo in uu xidhmana waxaa joogsanaya dhaq-dhaqaaqa badda ee caalamiga ah waxa aanu saamayn taban oo dhaqso ah ku yeelanayaa ganacsiga caalamiga ah, maadaama oo ay sannad kasta ka gudbaan in ka badan 21 kun oo markab oo shixnado ganacsi iyo shidaal sida, marinkan ayaa ah kan waraabiya marinka muhiimka ah ee Suweys oo isaga uu dalka Masar maamulo.

In kasta oo Somaliland aanay xad toos ah la lahayn marinkan haddana waxa ay ku taalla afka uu ka bilowdo marin biyoodku, waxaana si aad ah ugu dhow dekedda Saylac, iyada oo horena Soomaaliya loogu tirin jiray afarta dal ee kulaala marinka Baab Al-Mandab. Marar badan oo hore ayaa marinkan looga baqay ururka Al-Qaacida faraciisa dalka Yemen oo ku hanjabay in uu xidhi doono, sidoo kale waxaa looga baqaa budhcad badeedda Soomaalida oo marar door ah laga digay in ay khalkhal gelin karaan amniga marinkaas, haddase cabsida hore looga qabay Al-Qaacida waxaa sii xoojinaya awoodda ururkan ee sida xawliga ah ugu sii badanaya dalka Yemen oo ku jira marxalad amni darro iyo xasarado siyaasi ah, sidoo kale waxa aan laga cabsi la’ayn ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta oo muddooyinkan dambe ku sii awoodaysanaya dalka Yemen oo laga yaabay in ay dowlad iyagu ay hoggaaminayaan ka dhisaan, taas oo sii badin doonta xasaradda siyaasiga ah iyo amniga dalkaas oo la filayo in sunniga dalkaas ku tirada badani aanu aqbali doonin xukunka Shiicada, Isla markaana Al-Qaacida ay fursaddan ka faa’idasan doonto.

Dagaal ka dhaca marinka Baab Al-Mandab waxa uu saamayn dhaqaale iyo amni oo xoog badan ku yeelanayaa dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Jabuuti iyo dalalka dekeddiisa adeegsada, in kasta oo aanay Somaliland, ku jirin, kuwa sida tooska ah looga baqayo khasaaraha ka dhasha ee dhaqaalaha, maadaama oo Baab Al-Mandab aanu ahayn marinka dekedda Berbera. Laakiin taas macnaheedu ma’aha in colaad marinkaas ka hurtaa aanay saamayn ku yeelan karin Somaliland oo aan masaafad ahaan ka fogeyn.

Waa run in Somaliland aanay dunida ka haysan aqoonsi ay arrintan xal u raadinteeda kaga qaybgasho, haddana waxaa u furan fursad diblumaasiyadeed oo ay quwadaha dunida ee arrintani saamaynayso ay ku tusi karto in ay awood u leedahay in ay kaalin ka qaadato difaacidda iyo sugidda amniga marinkan, sidii ay horeba kaalin ugu yeelatay barnaamijka la dagaallanka budhcad badeedda iyo waxa loogu yeedho argagaxisada. Waxa aanay awooddeeda marag uga dhigi karta sida ay badaheeda hore uga ilaalisay budhcad badeedda.