Ma Dhabaa In Dib Loo Dhigay Dacawadii Badhasaabka Maroodi Jeex Oo Maanta Loo Balamay

0
612

xamarjeHargeysa(Geeska)-Dhagaysiga dacwadii badhasaabka gobalka Hargeysa Md. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) iyo labadii masuul ee kale ee la xidhnaa kalana ahaa agaasimaha wasaaradda dib u dejinta iyo la taliyihii madaxweyne xigeenka, ayaa la sheegay in dib loo dhigay.

Dacwadan oo hore loo qorsheeyay inay maanta bilaabanto ayaa dhagaysigeeda dib loo dhigay, waxaanay wararku intaas ku darayaan inay hay’adaha dacwadda soo oogayay ee xukuumadu dalbadeen in dacwadaas dib loogu dhigo iyagoo ku dooday inay jiraan waxyaabo qabyo ka ahi. Mudadii ay maxkamadu u xalaalaysay inasy masuuliyiintani ku jiraan xabsiga, ayaa maanta ku eeg. Masuuliyiintan oo ay xukuumadu ku eedaysay inay lunsadeen raashin mucaawin ah oo laga keenay dalka Cumaan, ayaa waxa xadhigooda ka dhashay dareeno badan, iyadoo qaybo badan oo bulshada ka mid ahi xadhigaas ku tilmaameen mid siyaasadaysan.