Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagaga Hadlay Aqoonsiga Somaliland Iyo Mowqifka Xukuumadda Ingiriiska

0
566

uk-parliamentHargeysa, (Geeska)-Xukuumadda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday sida Somaliland ku gaadhi karto helitaanka aqoonsi caalami ah, isla markaana sheegtay talaabooyinka ka horeeya ee xukuumada Somaliland laga doonayo inay qaado.

Wasiirka gargaarka Caalamiga u qaabilsan Ingiriiska, Andrew Mitchell, ayaa daboolka ka qaaday in wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriisku si cad ugu sheegay xukuumada Somaliland arrimaha looga baahan yahay xalintooda ka hor helitaankooda aqoonsi caalami ah.

Mudane  Edward Leigh, oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa khamiistii ka sheegay baarlamaanka Ingiriiska dhexdiisa in shacabka reer Somaliland xidhiidh saaxiibtinimo weyn u hayaan Ingiriiska, dalkoodana horumar weyn ka samaysteen, halka aan inta kale ee Soomaaliya gaadhin. Markaa miyaan la gaadhin wakhtigii aan aqoonsan lahayn madaxbanaanidooda?

Wasiirka gargaarka caalamiga u qaabilsan Ingiriiska Andrew Mitchell oo ka jawaabayey su’aashaa ayaa sheegay in wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriisku uu si bayaansan u tilmaamay baahida loo qabo dhamaynta khilaafyada dhuleed ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, laakiin arrinka ku saabsan mustaqbalka Somaliland waa xaalad u taal Somaliland iyo Soomaaliya, iyo waddamada ku hareeraysan.