Wasiirka Khaarajiga oo sheegay in la dardargelinaayo siyaasada dalalka Jaarka

0
192

khaarajigaHargeysa, (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa tilmaamay inaan ka qeybgalkii Somaliland ee shirkii London macnaheedu ahayn inay ka laabteen madaxbanaanidoodii.

Qoraal dheer oo wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland kaga hadlay natiijooyinkii uga soo baxay Somaliland ka qeybgalka shirka London iyo faa’iidooyinka ay ka gaadheen oo lagu baahiyey shabakada African Arguments oon idiin soo koobnay ayaa u dhigna sidan:

“Somaliland dib ayey u dardargelinaysaa siyaasadaheeda caalamiga ah ee la xidiidha jaarkeeda Soomaaliya. Dalkayagu guul balaadhan ayey ka heleen waxyaabahii ay ku kordhiyeen shirkii dhowaan ee London. Shirkaasi meel sare ayuu gaadhsiiyey diblomaasiyadda Somaliland.

Waxaan kaga qeybgalay shirkaa sidii wadamada kale, waxaan ka hadlayay khibradayada sida Somaliland wax uga tari karto dhismaha amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya. Waan uga madahcelinaynaa xukuumada Ingiriiska qabanqaabadii shirkaa iyo martiqaadkii ay noo fidiyeen. Ka qeybgalkayagii shirkaa dad badan ayaa shaki ka muujiyey in beesha caalamku u qaataan inaan diyaar u nahay ku soo laabashada midnimadii Soomaaliya.

Waxaan rumaysnahay in xukuumada Somaliland si bayaansan arrinkaa ugu cadeysay khudbadii aan ka jeedinay, oo aan hoosta kaga xariiqnay in go’aankii madaxbaanidayada ee aan gaadhnay 1991 lama taabtaan yahay. Hadaanan ka qeybgelin shirkaa, waxaan waayi lahayn fursad aan mowqifkaa ku gaadhsiino wufuud ka socotay 55 dawlado iyo hay’adaha caalamka.

Shirkaa waxaan ka helay fursad aan ku soo bandhigno fikrdahayaga sida nabadgelyada iyo xasilooni loogu soo celin karo Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay xal u helitaanka mushkiladaa hadii lagu dabakho xuduudaha ku meel gaadhka ah ay taasi halis ku noqon doonto xasiloonida beesha caalamku raadinayaan.

Somaliland tusaale fiican ayey u noqonaysaa marka loo eego Soomaaliya, sid awadamo badan ku fahmeen shirkaa. Waxay soo dhisatay nabadgelyo iyo dimoqraadiyad gunta laga soo bilaabay, oo habkii dhaqanka ee xalinta mushkiladaha loo maray. Waxaan rumaysanahy in Soomaaliya u baaha tahay qaadida talaabooyinkaa, waxaan cadeynay inaan diyaar u nahay wax kala qabashada iyo la wadaagida khibradayada walaalahayaga rag iyo dumar ee dalkaa. Waxaan dhab ahaan ku biirin doonaa wax weyn sidii xasilooni iyo nabadelyo loo gaadhsiin lahaa Soomaaliya hadii beesha caalamku aqoonsi na siiso.

War murtiyeedkii ka soo baxay shirkaa, waxa lagu bayaamiyey sida loogu baahan yahay in beesha caalamku taageero wada hadal kastoo Somaliland iyo xukuumada ku-meel-gaadhka ama cidii bedesha oo lagu gaadhayo siduu xidhiidhkood amustaqbalku ahaan doono. Waxaan rumaysnahay in taasi taageerayso hadafkayaga in loo wada hadlo annagoo laba qaran kala ah oo siman. Waxaan qabaa, inay tahay talaabadii ugu horeysay ee lagaga hadlayey siduu ahaan doono xidhiidhkayaga Soomaaliya, oo ka mid atahay in hogaamiyeyaasha muqdisho aqbalaan in ku soo biiritaankayagii midowgii uu xilli hore fashilmay, isla markaana xasiloonid amustaqbalka ee gobolku ku jirto aqbalaada madaxbanaanida Somaliland.

Kulamo badan oo Madaxweyne Siilanyo iyo wasiiro wadamo kala duwan ka socda oo heerkii shirka ah ayaa dhacay, oo dhamaantood u dhaceen sidii laba wadan oo is-ixtiraam iyo qadarin ah. Wada hadaladaa waxaan ka helay fursad aan kaga wada hadalay sida Somaliland wax ula qabsan karto wadamadaa iyo faa’iidooyinka labada dhinac ugu jira.

Muddadii shirka London, Madaxweyne Siilanyo waxuu ka qeybgalay furitaanka xafiiska shirkada horumarinta Somaliland oo ka dhacay baarlamaanka Ingiriiska. Shirkadaasi waxay fudueyn doontaa helitaanka maalgashi caalami ah oo wax u tara shacabka Somaliland, waxaan furitaanka xafiiskaa oo Somaliland lagu sharfay ka soo qeybgalay wasiirka Henry Bellingham, iyo mudaneyaal badan oo ka socda xisbiyada waaweyn ee Ingiriiska.

Dhamaan arrimahaasi waxay muujinyaan inaanan ka laaban madaxbanaanidayadii ka qeybgalka shirkaa, dhinaca kale, waxaan cadeynay ama dib u xaqiijinay mowqifkayaga madaxbananida iyo ahaanshaha wadan masuuliyad qaadi kara, iyadoo halkaa aanu ku gaadhnay guul siyaasadeed, dhaqaale iyo diblomaasiyadeedba. Waanu sii dhisi doonaa arrinkaa, si aan u horumarino danaha shacabkayaga. “