Ma Dhabaa In Adeega Ay Qabato Shirkadda NASHA Lagu Wareejinayo Ethiopian Airlines?

0
606

Picture5Hargeysa(Geeska)-Warar aan la xaqiijin oo soo baxaya ayaa sheegaya inay wasaarada duulista iyo hawada Somaliland  qorshaynayso sidii adeega madaarada looga wareejin lahaa shirkadda NASHA islamarkaana loogu wareejin lahaa shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines. Wararku waxay intaas ku darayaan in wasaaradda duulista iyo hawadu ay qorshahan waddo islamarkaana la hirgelin doono dhawaan. Hase yeeshee afhayeenka wasaaradda duulista iyo hawada Sadaam Maxamed Axmed, oo uu Geeska Afrikan arrintan wax ka weydiiyay ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin, “Warkaas waxba kama jiraan, mana aha arrin laga ogyahay wasaaradda duulista.” Ayuu yidhi afhayeenku. Haddii ay dhacdo in shirkadda NASHA laga wareejiyo adeega madaarada oo lagu wareejiyo shirkadda Ethiopian Airlines lama garan karo sida ay sharci ahaan u hirgeli karto, maadaama oo ay NASHA tahay shirkad waddani ah