“Qolada KULMIYE Barigii Hore Shan Ayaa Ay Necbaayeen,Hadana Ay Jecel Yihiin, Laba Ayaa Ay Jeclaayeen Hadana Ay……”

0
702

Picture6Hargeysa(Geeska):-Siyaasiga caanka ah ee Siciid Sulub Maxamed oo sida oo kalena hore u ahaan jiray wasiirkii hawla guud iyo guryeynta ee xukuumadii Daahir Riyaale,ayaa soo bandhigay Sideed qodob oo uu sheegay in ay Shan ka mid ah ay Xukuumada KULMIYE ay necbaayeen waagii ay mucaaradka ahaayeen,halka ay maantana ay jecel yihiin,Laba qodob oo iyagana ay necbaayeen oo hada se ay jecel yihiin,iyo sida oo kale hal qodob oo uu sheegay in ay hore u jeclaayeen hadana ay jecel yihiin.Isaga oo carabka ku dhuftay in kaliya ahayd uun sidii kursiga laysaga kacsan lahaa balse ay wax walib u socdaan sidii uu Daahir Rayaale uu u wareejiyey.

Siyaasi Siciid Sulub Maxamed ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey munaasibad soo dhawayn ah oo Xisbiga WADDANI u sameeyey Siyaasiyiin,Xildhibaano iyo Taageerayal miisaan culus ku lahaa Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE oo u soo diga rogtay Xisbiga WADDANI,waxaana uu sheegay in ay hore u necbayeen Cali Xoor-xoor iyo dakhliga ka soo baxa dakeda,Haamaha Shidaalka iyo dakhliga ka soo baxa,Maxjarka iyo Lacagta ka soo baxda,warbaahinta qaranka ee Tv-ga iyo Idaacada iyo Ciidamada Booliska iyo Nabad gelyada,waxaana uu xusay in hada ay dhamaantoodba wada jecel yihiin.

"Qolada KULMIYE barigii hore shan-baa ay necbaayeen,Shantii-baana ay maanta jeclaadeen.Dekada iyo Cali Xoor-Xoor waa ay necbaayeen oo waad ogaydeen,maantana dadka ayaa ay ugu jecel yihiin Cali Xoor-Xoor,Dekada iyo dakhliga ka soo baxa.Haamaha shidaalka waa ay necbaayeen,dakhliga ka soo baxa iyo shidaalka la keenayaba,maantana Haamihii shidaalka ayaa ay ugu jecel yihiin.Maxjarka iyo Lacagta ka soo baxdana waa ay necbaayeen,maantana Lacagta Maxjarka ka soo baxda ayaa ay u jecel yihiin.Waxaa kale oo ay necbaayeen Saxaafada qaranka oo uu ka mid yahay Tv-ga qaranku iyo Idaacada oo waxay odhan jireen Ina Riyaale ayaa leh,Maantana waa ay jecel yihiine tolow maantan ma Siilaanyo ayaa leh. Waxaa kale oo ay barigii hore ay necbaayeen Ciidamada Booliska iyo Nabad galyada,maantana waa ay jecel yihiin oo wa kuwaa dadka shicibka ah u adeegsanaya ciidamada RRU-da oo Waxan leyahay arrintaasi ka kacsi ayuunbaa ay ahaydee wax walba siday u socon jireen ayuunbaa ay u socdaan ee Daahir Riyaale ugu wareejiyey”Ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed

Md:Siciid Sulub Maxamed oo sida  oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale uu xusay in Xukuumada KULMIYE ay waagii mucaaradka ahayd ay aad u jeclayd Saxaafada Madaxabanaan iyo cayda Madaxweynaha, Xaaskiisa iyo masuuliyiinta dawlada,waxaana uu carabka ku dhuftay in hada ay neceb yihiin dhamaantood.

“Waxaa kale oo ay barigii jeclaayeen Saxaafada Madaxa-banaan oo ay maanta wada xidh xidhayaan barigii hore waa ay jeclaayeen,se maanta waa ay neceen.Barigii hore waxaa ay jeclaayeen cayda Madaxweynayaasha,Xaasaskooda,Masuuliyiinta iyo Dawlada la caayayo,Maantana waa ay ka gubtaan oo way mal gubyoodaan marka kalmad la yidhaahdo”Ayuu yidhi Siciid Sulub

Siyaasi Siciid Sulub Maxamed,waxaa kale oo uu soo bandhigay qodobka ugu danbeeya Sideeda qodob ee uu Xukuumada ku duraayo.“Waxay barigii hore jeclaayeen,maantana jecel yihiin ma idiin sheegaa oo ay dalkana ku baabiiyeen!!!?.Waa Qabyaalad"Ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed.