Wasiir Cukuse Oo Sheegay In La Dhaqangelinayo Xeerkii Saxaafada Iyo Jawaabta Ururka SOLJA Ee Saxaafada

0
459

Picture4Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in si rasmiya loogu dhaqami doono Xeerka Saxaafadda ee Xeer 27, oo uu saxeexay Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo Shalay Shir jaraaiid ku qabtay Xaafiiskiisa, ayaa sidoo kale sheegay in Liisamo loo sameeyn doono Xarumaha Warbaahineed ee kala duwan ee ka jira dalka, Cahuurna laga qaadi doono Sannadkiiba, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Waxaanu dhiraan dhirinaynay in Golaha Wakiiladu uu soo saaro Xeerkii Saxaafadda, oo wax ka bedel ku sameeyeen madaama Xeerkii hore ay ku adkaatay Maxkamadaha dhaqan gelintiisu, Maanta Xukuumadad waxa aanu idiin qiraynaa, idinku Xeerkii 27 haa iyo maya miduun ii dhaha, Xeerka 27, waa Xeerkii hore ee Saxaafaddu raali ma ku tahay. Adeer dal ayeynu joognaa, Umad ayaa lagu dhaqayaa, maaha ciyaalnimo iyo carruurnimo,  Xeerna ma ogoli meel ay Dunida ka jirtaa ma jirto, waxaan idiin leeyahay waa inuu dabar jiraa, ka qabta Inanta, Sodahda, Sodoga, oo ka qabta qofka aad wada nooshahiin, oo ka qabta qofka Madaxda ah, oo ka qabta Sheekh, Bayac-mushtarka iyo Nabadgeliyada, waxa batay Suxufiga Qabyaalada Xanbaara”.

Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xeerar Saxaafadda khuseeya Maanta hal xeer baynu haynaa oo waa Xeer lambar 27,waa Xeerka Ururada Saxaafaddu in badan ku qaylinayeen xeerkaas hanaloo daayo,Xeerkaas Saxaafadda ee

Madaxweyne Daahir Rayaale Saxeexay ee Madaxweyne Siilaanyo saxeexay, ee Gole Wakiiladu ansixiyeen, oo Golaha Guurtidu ansixiyeen, xeerkaasina waxa uu tilmaamaya akhlaaqda Suxufiga wanaagsan oo dhan, waxa ka maqan oo keliya marka uu diido maxa la yeelaya, waxa uu tilmaamaya in la sameeyo Guddi, oo ah Guddida Anshaxa ee Saxaafadda , oo Madax banaan, Guddidaas Saxaafadda, waanu la tashan doonaa Ururadeenii Saxaafadda,  ”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlaya Liisano uu sheegay inay yeelan doonaan Xarumaha Warbaahineed ee dalka waxa uu yidhi  “Waxaanu idiinku yeedhnay inaanu ku dhawaaqno,waxaanu Liisamada bilaabaynaa Todobaadka soo socda,waxaa la imanayaa Xafiiska Agaasimaha Guud,waa la isdiwaangalinayaa,waxaad  buuxinaysaa Foom,haddii aad Website leedahay,haddaad Jaraa’id Leedahay, leedahay Madbacad iyo kuwan Boodhadhka Xayaysiiska, haddaad Tv ama Idaacad leedahay.Agaasimaha guud baad u imanaysaan waxaanuna u samaynaynaa Kaadhkii Hay’addaas warbaahineed kaga qayb gali lahayd goobaha loo baahan yahay(Goobaha Wararka),waxaanu kuu samayn doonaa Liisan aad Cashuurta ku bixiso Sannadkii hal mar,waxaanad ku shubi doontaa Xafiiska Maaliyadda wixii dalku xaq kuugu yeesho”

Dhanka kale Dalada Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,ayaa ku gashaanka ku dhufatay Amarkan Xukumaddu ku soo rogtay Warbaahinta Madax banaan ee Somaliland iyo Eedaymo Wasiir Cukuse u jeediyay Saxaafadda.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo ugu horayn ka hadlay Xeerka Xukumaddu dhaqan galinayso ee ah Xeerka Saxaafadda lambar 27-2004 waxa uu yidhi “Horta waanu soo dhaweynaynaa wasiir,in badan baanu kuugu taag la’ayn Xeerka Saxaafadda ee lambar 27 Sanadkisuna ahaa 2004 ee Madaxweyne Daahir Rayaale Saxeexay,labada Gole baarlamaana Ansixiyay ee Madaxweyne Siilaanyo-na Wareegtada ka soo saaray 2012-kii ee wali ka qarsoon wasaaraddaha iyo meelaha wax  la dhigo”.

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo ka hadlaya Guddida Saxaafadda ee uu Wasiirka Warfaafintu sheegay in la sameeyn doono ayaa yidhi “Waxaan Wasiir kuu sheegayaa Guddida Anshaxa waxaa xaq u leh Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,qodobkiisa 5-aad baanu ku qoran yahay.waa guddi madaxbanaan,mid Dawlad u adeegana ma noqonayo mid ay dawladdi biilisana ma noqonayo.Wariyeyaashu Xadhigna darajo kuma helaane malaha Xukumaddan ayaa Federal Somalia la saxeexatay oo sidaas u cabudhinaysa Saxaafadda.”