Lughaya: 2,600 Oo Qoys Oo Deeq La Gaadhsiiy

0
632

Borama(Geeska)-Waxa shalay deeq la gaadhsiiyay 2600 oo qoys oo ku nool degmada Lughaya ee gobalka Awdal, waxaanay noqotay deeqdii ugu horaysay ee la gaadhsiiyo dadkaas oo ay abaar ba’ani saamaysay.

Dadkaas ayaa ahaa kuwo ay ka muuqatay taag yari, waxaana gaadhsiiyay guddiga abaaraha ee gobalka Awdal oo ay weheliyaan hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ahi.

Deeqdan ayaa isugu jirtay Bariis, daqiiq, saliid iyo waxyaabo kale, waxa ka faa’iidaystay 2600 oo qoys oo ku nool tuulooyinka degmada Lughaya hoos taga. Deeqdan ayaa waxa iska soo ururiyay ganacsatada gobalka Awdal iyo hay’ado maxali ah oo ka hawlgala gobalkaas.  Salaadiinta gobalka Awdal oo goob joog ka ahaa qaybinta deeqdaas ayaa balan qaaday inay sii wadi doonaan inay shacabka ku baraarujiyaan in dadkaas loo gurmado, maadaama oo aan weli baahidii la daboolin.