Cali-Gurey Oo Naqdiyay Qaabka Ay Xukuumadu U Gashay Wada Hadalada Somaliya, Si Gaar Ahna U Dhaliilay Qodob Ku Jiray Warmuriyedkii

0
584

cali gurayHargaysa(Geeska )-Afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf ( Cali Guray ), ayaa si adag uga horyimid qodabka sideedaad ee ku jira war-murtiyeedka ka soo baxay wada hadaladii ay magaalada London ku yeesheen Somaliland iyo Somaliya.

Cali Guray; qodabkan sideedaad waxa uu ku macneeyay mid laga soo shaqeeyay oo gorgortan lagu galiyay madaxbanaanida Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay sababta xibigooda Udub uu wada hadaladaas uga qaybgali waayay iyo arimo badan oo ay kamid ahaayen tabashooyinka beelaha bariga Somaliland.

Waxaanu sidan ku sheegay Cali Guray waraysi khaas ah oo uu siiyay wargayska Geeska Afrika, waxaanu u dhacay waraysigaas sidan.

Cali Guray ugu horayntii waxaan ku weydiin lahayn aragtidaada ku waajahan wada hadalkii ay dhawaan  isku soo hor fadhiisteen Somaliland iyo Somaliya?

Kulankaas waxa uu ahaa mid bilaw ah, waana la odhan karaa waxa uu ahaa bilaw wanaagsan, waayo in lays soo hor fadhiisto lafteeda ayaa wax ah, markaynu eegno wada hadalada qolo waliba waxa ay ka lahayd u jeedo, ujeedadii ay ka lahayd markaan eegno qodabada ka soo baxay badankoodu ma taabanayaan ujeedadii ay ka lahaayeen labada dhinacba wada hadalada, oo ah mid nimada Somaliya waa muqadas iyo gooni isku taaga Somaliland gorgortan malaha.

Lakiin qodabka Sideedaad ayaan u arkayaa inuu ahaa guul aad u wayn oo ay la huleeleen dhinaca Somaliya, qodobada kalena waa loo siman yahay, laakiin qodabkaas waxa uu galinayaa gorgortan gooni isu taaga Somaliland, marka ay Somaliland taageertay in la qabyo tiro dastuurka Somaliya oo uu dhaqangal  noqdo, dhaqan galkaas uu noqonayaana waxa uu qeexi doona xuduudaha Somaliya oo uu ku dari doono Somaliland, markaas marka aad taageerto dhaqan galinta dastuur Somaliland ku daraaya Somaliya waxay ka dhigantahay inaad gorgortan galisay Somaliland gooni isku taageeda oo ahaa halkii ugu danbaysay ee ay Somaliland ku dhaganayd, taasna runtii waan ka xumahay.

Ka waran qodobka isagu sheegaya inay kulmaan labada madaxweyne, maxuuse kulankaasi soo kordhinkaraa?

Wada hadaladu inay sii socdaan waa kamid, haddii ay sii socdaana in mar la gaadhi doono in madaxweynayaashu toos u kulmaan waa laga yaaba, laakiin waa inay taasi tahay goor wax la diyaariyay, oo dhinaca Somaliya imikaba waa ay soo diyaarsadeen wax oo waxaad ku garanaysaa qodabkan sideedaad ee ay meesha ku soo dareen iyo ujeedada ay ka laahaayeen, qoladeenana iyaga oo iska habaqle ah ay meesha tageen ee aanay jirin wax u diyaarsanaa.

Waftigii wasiirada ahaa ee wada hadaladaas ka qaybgalay waxa ay sheegeen in xisbiga Udub uu  taageersan yahay wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, haddana kamaydaan qayb galin wada hadalkaas, maxaad uga qayb gali waydeen, sidii xibiga Ucid?

Horta mabdi’yan waxaan qabaa in uu Udub taageersan yahay in la wada hadlo, laakiin taasi waa mabda’ahaan, sababaha aan uga qayab gali weynayna dhawr bay noqonayaan.

Ta ugu horaysaana waxa weeye qaabka ay xukuumaddu wada hadalka u wado dhinaca Somaliland qaab ahaan, dad ahaan iyo tabaabushe ahaan midna ma ogalin mana taageersanin, waayo waxa ay noqonaysaa dad soo tashaday iyo dad aan hore u hayn waayo arag oo wax ay ka fahansan yahiin taariikhda iyo maraaxilkii Somaliland soo martay iyo qiimahay ay ku joogo gooni isku taagan, midna aan garanayn ee xilal uun loo dhiibay in la yidhaahdo Somaliland bay matalayaan;  waanu ka soo hor jeednaa.

Qodabka labaadna waxa weeye waxaanu aaminsannahay haddii Somaliya wada hadal la galayno in midnimada Somaliland ay tahay mid aad u muhiim ah, waxaana meesha ka maqan oo aan noo muuqan inuu jiro habayaraate dadaal ay xukuumadain ugu jirto sidii ay midnimo qaran u abuuri lahayd, gaar ahaan gobalada bariga ee aynu ognahay xaaladiisa, marka laysku wada daro dhulka ay dagan yahiin labada beelood ee Somaliland bari ugu xigaa magaaladda Laasacaanood iyo hareeraheeda oo qudha ayaa gacanta Somaliland ku jirta, in alle iyo inta kale way ka maqantahay, Laasacaanoodana waa dhul ahaane dadka badankoodu waxay taageersan yahiin maamulka Khaatumo, siday maamulkaas u taageerna waxay ka imanaysaa waxii ka dhacay Buuhoodle iyo ku xadgudubyadii lagu sameeyay dadkaas.

Qodabka saddexaadana waxa weeye tabashooyinka ay tabanayaan beelaha aan Isaaqa ahayn inay wax badan ka jiraan, oo markii ugu horaysay 17 sanadood dheeligii ugu waynaa uu galay waxa awood qabsiga loogu yeedho, haddaad doonayso inaad runta ogaatana waxaad is barbar dhigtaa beelahaas barigu markii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ( Madaxweynii geeriyooday ) xilka hayay alle haw naxariistee cadkii ay ku lahaayeen Somaliland ee ay waliba saluugsanaayeen iyo maanta cadka ay ku leeyahiin labadaas uun isbarbar dhig.

Markaynu ku soo noqono wada hadalada,  maxaa talo ah oo aad ku kaabi lahayd wada hadaladan u furmay Somaliland iyo Somaliya?

Waxa lala taliyaa cida talo u baahan, nimankan meesha marayaa niman cid talo uga baahan maaha ee waa niman wax walba garanaaya, niman cid joog odhan kartaa iyaga aanay jirin, oo imakadaas iyaga oo markii ugu horaysay gorgortan galiyay Somaliland haddana iyagu ku sii adkaysanaaya oo isla toosan weeye, bini’aadmigana waxa ugu daran qof oo aan waxba garanayn oo aan ogaynba in aanu waxbaba garanayn, bini’aadmiguna hadduu yahay qof aan wax garanayn laakiin garanaaya in aanu wax garanayn waa la caawin karaa oo waxa uu kaashanayaa dadkii hayay waxa isaga ka dhiman, laakiin kan kale waxa uu xulanayaa isaga qaar ka sii liita, inay umaddan wada tashato oo ay tabaabushaysato taladeedana midayso haddii ay taas oo qudha fursad u siin karayso xukuumadu inay fursad u siiso ayaan talo ku soo jeedinaya.