Loolanla Loogu Jiro Buuxinta Jagadii Samaale Iyo Xubnaha Ugu Cadcad

0
531

yaa badli doonaHargeysa(Geeska)-Tiraba shan xildhibaan ayaa durba gudbiyay codsiga ay ku doonayaan inay u tartamaan jagada guddoomiye xigeenka golaha wakiilada ee uu baneeyay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo noqday wasiirka maaliyadda.

Xildhibaanadaas ayaa waxa ay kala yihiin Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo xisbiga UDUB uga soo baxay gobalka Awdal, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo gobalka Saaxil ka soo baxay kana tirsan KULMIYE, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE kana soo baxay gobalka Hargeysa, Xildhibaan Ibrahim Axmed Raygal oo laga soo doortay gobalka Hargeysa kana soo jeeda xisbiga KULMIYE iyo xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, oo ah mudane ka tirsan KULMIYE kana soo baxay gobalka Saaxil.

Xildhibaanadan, ayaa saddexda xildhibaan ee ugu fadalada cad waxa ka mid ah Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ah mudane da’ yar oo ka soo jeeda gobalka Awdal kuna abtirsada xisbiga UDUB, waxaanu xildhibaanku ku mashquulsanyahay sidii uu jagadaas ugu guulaysan lahaa. Xildhibaanka ayaa ku xidhan qaybaha bulshada ee gobalka Awdal. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa isna ka mid ah ragga ololahooda si weyn loo dareemay, waxaanu ka tirsanyahay xisbiga KULMIYE isagoo ka mid ah mudanayaasha ay aad isugu dhowyihiin Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Xildhibaan Nacnac, ayaa ah mudane qayb libaax ka qaatay caawinta hooyooyinka mujaahidiintii SNM oo dedaal uu sameeyay ka dib guryo loo dhisay iyo xubno kale oo ka mid ah mujaahidiintii SNM ee ku naafoobay halgankii SNM oo uu iyagana u hawlgalay sidii guryo loogu dhisi lahaa. Waxa kale oo uu hoggaamiyayaa jidadka laga dhiso waaxda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa oo uu codadka ugu badan ka helay.

Xildhibaan Ibrahim Axmed Raygal (Kacaan), ayaa isna ah xildhibaan baratankiisa si weyn looga dareemay magaalada Hargeysa, waxaanu ka tirsanyahay xisbiga KULMIYE. Ibrahim ayaa wuxuu si weyn ugu xidhanyahay madaxda iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxaanu taageero badan ka haystaa bulshada uu ka soo jeedo oo uu ka mid yahay xildhibaanada sida weynu ugu xidhan, waxaanu dhawr goor ka qayb qaatay kor u qaadista biyaha aasaasiga ah ee degmada Gabiley ee gobalka Gabiley, oo uu ka soo jeedo. Waxa kale oo uu ku xidhanyahay qurbo jooga gobalka Gabiley.

Si kastaba ha ahaate maalmahan ayaa la ogaan doonaa ninka loo doorto  ku xigeenka guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland.