Rabshado Ka Dhacay Wadada Idaacada Iyo Maayar Jiciir Oo Ka Hadlay

0
583

dawlada hooseHargeysa (Geeska)- Ciidamadda Booliska Somaliland ayaa ku guulaystay in ay kala kaxeeyaan dadweyne gadoodsan, kuwaas oo ka hor yimid hawlgalo ay dawladda hoose Gelinkii dambe ee Galbta ku qaaday suuqa gobonimo ee Magaaladda Hargeysa.

Hawlgankan oo daba socday kuwii ay todobaadyadii ugu dambeeyay caasimadda ka waday dawladda hoose ayay dhalinyaro aad u tiro badani ay dhagaxaan kala hortageen dawladda hoose iyo ciidamadda booliska oo iska kaashanaya.

Dadweynahaas  oo ka gadooday olole ay dawladda Hoose kaga rarayso bariga guriga Xisbiga, waxay  dadkaasi taayiro  ku gubeen jidadka.

Duqa Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, oo xalay u waramayay shabakadda wararka ee dawladda Hoose ee Hargeisamunicipality.Org, ayaa sheegay  in dadkaas ay ka mid yihiin dad aad u badan oo laga raray agagaarka Guriga Xisbiga, halkaasi oo uu tilmaamay in laga dhisi doono hangar waaweyn oo la dejinayo dadkii laga raray isla goobtan iyo kuwii hore loooga  raray badhtamaha suuqa Hargeysa.

Maayarku waxa uu sheegay in dawladda Hoose ay sii wadayso hawl-galka kor u qaadista bilicda caasimadda iyo nidaaminta jidadka suuqyadda.

 Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir waxa uu xusay inaanay jirin olale ay dawladda Hoose si gaar ah u bartilmaameedsanayso meelo gaar ah, hase yeeshee wuxuu carabka ku dhuftay inay fulinayaan go’aanka xukuumadda dhexe iyo Gudida heer qaran ee bilicda magaaladdu ay ku doonayaan in lagu hagaajiyo  bilicda iyo quruxda  Caasimadda Somaliland.

Maayarku wuxuu xusay inay  ku guulaysteen qorshaha nidaaminta badhtamaha suuqa Hargeysa 85%, waxaanu u mahad celiyay ganacsatadii u hoggaansamay hawl-galkan ee baneeyay jidadkii laga raray.

Maayarku wuxuu intaasi ku daray in degmooyinka laga samayn doono goobo ay ku ganacsadaan Ganacsatada yar-yar ee laga raray jidadka faras magaalaha Hargeysa.