Xukuumadda Oo Sheegtay In Reer Saaxil 10% Leeyihiin Shaqaalaha Loo Qaadanayo Madaarka Berbera

0
634

Hargeysa (Geeska) – Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland, ayaa ka hadashay Cabashooyin laga muujiyey habka loo qaadanayo Shaqaalaha ka hawl-geli doona Madaarka diyaaradaha ee Berbera.

Mareeyaha hay’adda duulista Somaliland Cumar Sayid Cabdilahi oo daba socdey Mudaharaad ay doraad Magaalada Berbera ka dhigeen dhallinyaro sheegay in Shaqaalaha Madaarka Berbera loo qaadanayo laga keenayo Caasimadda Hargeysa, ayaa sheegay inaan Cidna si gaar ah loo qaadanayn, balse dhammaan Shaqaalaha Madaarka loo qaadanayaa ay marayaan Imtixaan guud.

Maareeyaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Shaqaalaha madaarka waa la baahinayaa, dhammaan dhalinyarada Somalilandna way soo codsanayaan, dhammaan dhalinyaradu si siman bay ugu tartami doonaa”

Mareeyaha ayaa sheegay in shirkadda madaarka maamusha ay qaab qaldan u gashay howsha shaqaalaha, taasina keentay Mudaharaadkii Berbera ka dhacay “Shirkadda ayaa istidhi shaqaale qorta iyadoo aan sharciga waddanka fahansanayn wixii ka soo noqdayna waa la saxay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in gobolka Saaxil shaqaalaha laga siin doono saamiga uu sharcigu u ogolyahay “Sida xeerarka Waddankeenu sheegayaan gobolka shaqada laga qabanayo wuxuu xaq u leeyahay 10%, sidaa darteed Gobolka Saaxil 10% iyo wax ka badan ba diyaar baanu ula nahay…”

Hadalka maareeyaha ayaa jawaab u ah cabasho ay dhalinyarada Berbera ka muujiyeen qaabka ay shirkadda madaarka maamusha shaqaalaha u qoranaysay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office