Loolanka KULMIYE Oo Gelaya Wejiga Labaad Ee Qaban-Qaabada Iyo Qaadashada Kaadhka, Dareenka Saddex Murashax Iyo Doodda Maxamed Kaahin

0
567

Picture7

Samaale, Kijaandhe iyo Maxamed Biixi oo dacwad gudbiyay Saylici iyo Maxamed Kaahin oo ka digay in shirka la carqaladeeyo

Hargeysa(Geeska)-Loolanka loogu jiro hanashada ergada golaha dhexe ee KULMIYE oo maalinba maalinta ka dambaysa xaraaradiisu kacayso ayaa u muuqda inuu gelayo wejiga labaad ee ah qaban qaabada shirka golaha dhexe iyo diyaariyiinta kaadhadhka aqoonsiga.  Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf ayaa habeen hore ergada golaha dhexe ee KULMIYE ku wargeliyay in laga bilaabo Sabtida 17/10/2015 xarunta xisbiga laga qaadan doono kaadhadhka aqoonsiga kalfadhiga 5aad ee golaha dhexe. Hase yeeshee waxa wargelinta uu Xasan Siciid soo saaray ka biyo diiday murashixiinta ah Maxamed Biixi Yoonis, Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Cabdicasiis Samaale, kuwaas oo shalay kulan ay la yeesheen madaxweyne-xigeenka Md. Saylici kala hadlay mawduucan iyagoo sheegay inaanu hoggaanka KULMIYE xaq u lahayn inay kaadhadhka aqoonsiga diyaariyaan iyadoon la magacaabin guddiga qaban qaabada shirka. Waxa kale oo la sheegya inay ka digeen ergo cusub oo ay sheegeen in lagu soo darayo golaha dhexe.

Madaxweyne-xigeenka ayaa la sheegay inuu xubnahan u sheegay inuu ku mashquulsanaa xaaladda Awdal balse uu ku soo celin doono jawaab.  Geesta kale, Guddoomiye-xigeenka xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, oo shalay khudbad ka jeediyay kulan lagu taageerayay Muuse Biixi Cabdi oo ay u qabteen ergada golaha dhex ee xisbiga ugu jirta Beesha Arab, ayaa wuxuu ka digay in la caraqaladeeyo shirka golaha dhexe ee KULMIYE.  “Waxaan dadka warbaahinta ugu sheegayaa liiskaas maanta golaha dhexe shirguddoonkii uu Cadami guddoomiyaha ka ahaa ayaa saxeexay , Muuse Biixi iska dhaafee Siilaanyo hal qof kuma kama bedeli karo. liiskaasi wuxuu y aalaa maxkaamdda sare iyo xeer ilaalinta. Saaxiibadayo waxa ka muuqata malaha kalsooni darro oo waxay doonayaan meel muran laga bilaabo in la sameeyo, dadka waxaan u sheegayaa shirweynaha ergadiisa waa la goo’yaa laakiin imika kani maaha liis iyo tiro in Muuse Biixi oo musharax ahi uu ku dad badasanayo oo uu liiskooda qoranayo.” Wuxuu Maxamed Kaahin yidhi, “Arrinkaasi waa arrin dhan oo weliba qoladayada saaxiibada ah ee maanta leh liis kalaa la samaystay, waa kay iyagu annaga noo samaysteen, kii annaga lanoo samaystay ee la doonayay in daaqadaha lanaga tuuro ayay imika iyagu ku cabanayaan.”  Diyaarinta kaadhadhka aqoonsiga shirka golaha dhexe iyo qaban qaabada shirka ayaa noqon doonta mawduuca ugu xaasaasisan ee la filayo inay isku khilaafaan murashixinta tartamaysa.

Hase yeeshee wejigan labaad, waxa la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo ka soo gaadho, iyadoo uu dalka ku soo noqonayo horaanta toddobaadkan soo socda. Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu xaaladda iyo baratanka ka jira xisbiga KULMIYE gudihiisa ku soo hadal qaado khudbad uu Sabtida u jeedin doono jaaliyadda Somaliland ee magaalada London.