Loolan Loogu Jiro Maayarnimada Hargeysa Oo Socda, Kulamadii Uu Shalay Sameeyay Mooge Iyo Faysal Oo Sheegay In UCID Qaadanayso Ku-xigeenka Duqa Caasimadda

0
427

Hargeysa (Geeska) – Magaalada Hargeysa, waxa ka socda Loolanka loogu jiro Cidda noqonaysa Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, xilkaasi oo u taagan yihiin Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo 8-dii sanadood ee u dambeeyay ahaa Maayarka Hargeysa isla-markaana doorashadii dhawaan dib loo soo doortay iyo Cabdikariin Axmed Mooge oo ka soo baxay xisbiga WADDANI.

Toddobaadkii hore waxa dhacday dhacdooyin naadir ah, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland uu qaabilay Cabdikariin Axmed Mooge oo Warbaahinta mariyey baaq ah in Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu tixgeliyaan rabitaanka Shacabka Hargeysa.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Madashii ay ka kulmeen isaga iyo Mooge, ayaa sheegay inaan Cidna qaadan karin wuxuu xaq u leeyahay, iyaguna Xukuumad ahaan ay ku garab taagan yihiin wax kasta oo Sharciga waafaqsan, arrintaasi oo ay soo dhaweeyeen Dadka la dhacsan Cabdikariin Axmed Mooge.

Jimcihii Shalay, waxa Magaalada Hargeysa ku kulmay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay wehelinayeen Xildhibaano ka mid ah kuwa Xisbiga UCID ugu soo baxay doorashadii dhawaan dalka ka dhacday, waxaana kulankaasi ka dib uu Mr. Cudhay oo u sharraxnaa Maayarka Caasimadda Hargeysa uu sheegay inuu u tanaasulay Cabdikariin Axmed Mooge, taasi uu Cabdikariina ka mahad-celiyey.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaguna hadal ka jeediyey Madasha uu Cudhay kaga tanaasulay hankiisii Maayarnimo, ayaa sheegay in Xisbiga UCID uu qaadanayo ku-xigeenka duqa Hargeysa “Annaga waxa la naga sugayaa Guddoomiye ku-xigeenka, waanu joogaa ee markaad is dooranaysaan Codka siiya, wayna isku xidhan yihiin.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Geesta kale, Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo doonaya inuu mar kale soo noqdo, ayaa si hoose u wata ololihiisa, waxaana la sheegay inuu kulamo la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka ee dhawaan la soo doortay si uu ugu qanciyo inay codkooda siiyaan, maaddaama oo Maayarnimada Hargeysa iyo kuwa kaleba loo marayo Codka Gacan taagga ah ee Xildhibaannada.

Sidoo kale, waxa illaa khamiistii Warbaahinta ka soo muuqanayey Waxgarad iyo dhallinyaro taabacsan Maayar Soltelko, kuwaasi oo ku talinayey in dib loo soo doorto, iyagoo mid mid u sheegayey waxyaabaha uu qabtay muddadii uu xilka Maayarnimo hayey, taasi oo dabcan ka mid ah Tebaha ololaha socda.

 

Geeska.net/Hargeisa Office