Safiirkii Hore Ee Maraykanka U Qaabilsanaa Koonfur Afrika Oo Ka Hadashay Doorashadii 31-kii May

0
554

Hargeysa (Geeska) – Diblumaasi sare oo u dhashay dalka Maraykanka, ayaa ka hadashay Dedaallada horumarineed ee ka socda Somaliland, waxayna si gaar ah diiradda u saartay Doorashooyinka.

Michelle Gavin oo noqotay Safiirka Maraykanka ee dalalka Botswana iyo Koonfur Afrika isla-markaana leh khibrad xidhiidhka Caalamiga ah, ayaa qoraal ay ku baahisay Bog Internet-ka ah waxay ku faahfaahisay sida ay u aragto Dawladnimada Somaliland ee aan weli Dawladaha Adduunku Aqoonsan.

Waxay qoraalkeeda isku barbar-dhigtay Dadka ku nool Somaliland iyo kuwa ku nool Soomaaliya, iyadoo Dawladnimada Somaliland ku sheegtay mid aan awood badnayn, balse la Macaamili karta Dawladaha kale iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah.

“Somaliland waxay leedahay awood yar oo ay kula macaamili karto dowladaha kale iyo hay’adaha Maaliyadeed ee caalamiga ah marka loo eego kuwa deriskeeda ah” ayay ku sheegtay Qoraalkeeda, waxayna intaa sii raacisay “Dunidu ma aqoonsana Madax-banaanida Somaliland, haddana waxay sii waddaa qorshayaal lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, shaqooyin la siinayo dhallinyaradeeda”

Michelle Gavin waxay qoraalkeeda kaga hadashay doorashooyinka ka dhaca Somaliland, sida tii u dambaysay ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada, waxayna sheegtay inay Somaliland sii waddo in Hoggaamiyeyaasha lagula xisaabtamo Sanaaduuqda Cod-bixinta “Somaliland waxay sii waddaa in Hoggaamiyeyaasheeda lagula xisaabtamo sanduuqa codeynta..” ayay sheegtay.

Haweenayda Safiirka ahaan jirtay, waxa amaantay nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland ka hano-qaaday, waxayna xustay in xilli Gobolka xiisado ka taagan yihiin, ku dhaqanka dimuqraadiyaddana laga maagayo ay sii Somaliland sii waddo “Iyada oo lagu guda jiro xiisadda gobolka iyo dib u gurashada dimuqraadiyadda Adduunka, haddana waxa mudan in fiiro gaar ah loo yeesho guulaha Somaliland iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’deeda”

Michelle Gavin waxay sheegtay in Nidaamka ka jira Somaliland ee Dimuqraadiga ah uu canaan ku yahay Dadka aaminsan in Xiisadaha ka taagan Gobolka Somaliland ku taallo lagu xalin karo oo keliya Kelitalisnimo “Somaliland waxay canaan ku tahay kuwa ku andacoonaya in kelitalisnimada ay tahay wax looga  baahan yahay xasiloonida gobolka, ama dimuqraadiyaddu tahay wax meel kale laga soo waariday.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office