“Shacabka Reer Sool Si Qurux Badan Bay Isku Muujiyeen, Mar Haddii Ay Codkooda Dhiibteen..”

0
482

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay Doorashooyinkii dhawaan dalka ka dhacay, waxaanu xusay in Doorashooyinkani Shacabka Gobolkiisa ay sharaf iyo taariikh u gooniya u leeyihiin, isagoo si gaar ah ugu mahadnaqay inay cid kasta oo qabsoomidda Doorashooyinka ka qayb qaadatay.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Doorashooyinkii isbarbar socday ee kala ahaa Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada, sidii aynu ka filaynayey iyo si ka sii wacan kana sii qurux badan bay inoogu qabsoomeen, inay Doorashooyinkana inoo qabsoomaan waxaan waxaan uga mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo u badheedhay isla-markaana xoogga saaray inuu dalka ka qabto Doorashooyinka, waxaanu kaga dhabeeyey balanqaadkiisii ahaa inuu dalka ka qabanayo Doorashooyinka, isagoo waliba bixiyey wixii kharash ah ee ku baxay Doorashooyinka, ta kale waxaan u mahadnaqayaa Komishanka Doorashooyinka oo qabtay Doorashooyin aanu xittaa wax muran ahi ka dhicin, sidoo kale Ciidamada, Xisbiyada iyo Shacabka reer Somaliland waan u mahadnaqayaa, waxaana dhammaantood ku bogaadinayaa Doorashooyinkaas sida nabadgalyadu ku jirto inoogu qabsoomay”.

Mar uu ka hadlaayey Shacabka Gobolka Sool wuxuu yidhi “Shacabka reer Sool si qurux badan bay isku muujiyeen, mar haddii ay codkooda dhiibteen,meesha uu  baxay is xambaarkii waxaan leeyahay Shacabka reer Sool, Doorashooyinka dambena waa inaad wada qaadataan kaadhka diiwaangelinta,si qof walba u helo kaadhkiisa uu xaqa u leeyahay inuu ku coddeeyo, codkiisana ku dhiibto, una coddeeyo hadba cidduu doonayo” 

 

Geeska.net/Hargeisa Office